4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Dukaammo ay Laahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ah oo lagu boobay dalka Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Ku dhawaaw toban dukaan oo intooda badan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu boobay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay xaafadda Kraafontein ee ku taalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Dukaamadan ayaa cagta la mariyay kaddib markii ay kusoo xoomeen shacab Koofur Afrikaan ah  oo ku hubeysnaa baangado iyo ulo, waxayna halkaas ka qaateen wixii hanti ah ee yaallay.

Lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo loo geystay dadkii lahaa ganacsigaas oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi, waxaana ciidamada boolisku ay ka caymiyeen goobaha ganacsi wixii ka haray inay alaabahooda iyo naftoodaba kala cararaan halkaasi.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta keentay in boobkani dhaco, mar aan la kulannay qaar ka mid ah ganacsatada kasoo guuray xaafadda krafontein ayaa waxay HOL u sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka jireen bannaan-baxyo ay shacabka xaafaddaasi dhigayeen, kuwaaso ay kaga soo horjeedaan in dowladdu ay halkaas ka dhistay guryo loogu tala-galay in ay dagaan dadka dan-yarta ah ee an haysan guryo ay ku noolaadaan oo ay dowladdu soo dajisay dad kale oo laga soo raray xaafado kale.

Bannaan-baxayaasha ayaa ku doodayay in xaafadda Krafontein ay horay u daganaayeen dad an haysan guryo ay ku noolaadaan, iyadoo dibadbaxayaashu ay xanaaqoodii kala dul dhaceen dadka ajaanibta ah ee ganacsiyada ku dhex haysta halkaasi.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa badankoodu waxay halis ugu jiraan in la dilo ama la dhaco marka loo eego goobaha iyo xaafadaha ay ku ganacsadaan oo ammaankoodu aad u liito, iyadoo bilihii lasoo dhaafay ee sannadkan Soomaali badan loo geystay dilal arxan-darro ah iyo boob hantid oo saf mar ah oo ka dhacay gobollo kala duwan.

Inta badan ma dhacdo in wax weyn ay ka qabato dowladda Koofur Afrika haddii ay yimaadaan dhacdooyinka noocaan oo kale ah, sababtana waxaa lagu macneeyay in Soomaalidu ay ku dhex ganacsadaan xaafado isku raran ah oo ay ku nool yihiin dad dan-yar ah oo ka careysan shisheeyaha ku dhex ganacsanaya iyo waliba ciidamada booliska oo ay ku adag tahay inay dhaqso u gaaraan haddii ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

Daahir Faarax, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika