4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Guddigii loo xil saaray Qaban-qaabada Munaasabadaha 26-ka Juun & 01-da Luuliyo oo Maanta ku kulmay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Guddiga qaban-qaabada munaasabadaha 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ee maalmaha xorriyadda dalka ayaa maanta ku yeeshay Muqdisho shir ay kaga hadlayeen qaabkii loo wajihi lahaa dabaal-dagyadan lagu weynaynayo maalmaha xorriyadda dalka.

Xubnaha guddigan ayaa waxaa shirkoodii maanta ku wehliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo markii uu kulankoodu waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha gudaha oo guddoomiye u ah guddigan.

“Sidaad og-tihiin waxaa Khamistii lasoo dhaafay uu ra’iisul wasaare Saacid magacaabay gudi loo xilsaaray qaban-qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha xorriyadda dalka, waxaa dowladda u qorshaysan inay u samayso dabaal-dagyo aad u ballaaran oo lagu muujinayo weynayta maalmaha Xorriyadda,” ayuu yiri wasiirku oo dhanka kalana xusay in looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay sameeyaan diyaar-garow aad u sarreeya calankana lagu xardho wadooyinka iyo meelaha ganacsiga.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in looga baahan yahay maamullada ka jira dalka iyo degmooyinka xorta ah inay u istaagaan sidii loogu dabaal-degi lahaa maalmaha xorriyadda, waxaan muhiim ah in qof kasta dareemo sidii xorriyadda lagu helay uuna muujiyo wadaniyad.

Ugu dambayn, wasiirka arrimaha gudaha ayaa tilmaamay in 26-ka Juun ay tahay maalintii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka xoroobeen, halka 01-da luuliyo ay tahay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee dalka.

Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa waxaa gumeysan jiray Ingiriiska iyagoo noqday goobtii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago guud ahaan Soomaaliya, inkastoo ay ku dhawaaqeen inay goosteen.

Sidoo kale, gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-dii Luuliyo sannadkii 1960-kii, waxaana ka jiray qalalaase 22-kii sano ee ugu dambeeyay.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya