4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Beeraleyda Deegaanno Hoos-yimaada Baydhabo oo ka cabanaya cudurro & Cayayaan Waxyeeleeyay Dalaggooda (SAWIRRO)


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Beeraleyda ku nool deegaannada hoos-yimaada degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa ka cabanaya cudurro iyo cayayaan waxyeelleeyay dalaggoodii, iyadoo la soo sheegayo in dalaggii beeraha ee sannadkan siiba Masagada ay baabi’iyeen cudurro iyo cayayaan.

Cudurrada waxyeeleeyay wax-soo-saarka xilligan gu’ga waxaa ka mid ah cudur la yiraahdo (Red leaves) oo loo yaqaano baal-guduud, waxaa kaloo jira dhuun-qabad oo loo yaqaano (Stolkporer), kuwaasoo ah kuwa beeralaydu ay ka cabanayaan.

Waxaa kaloo beeraleydu ay sheegeen inay lasoo gudboonaadeen cayayaan waxyeeleeyay dalagyadii ay beerteen, sida cayayaaanka la yiraahdo (Cricket) oo af Soomaaliga lagu yiraahdo kadalaan, kaasoo dhibaato ba’an u geystay dalaggii sannadkan.

Sidoo kale, cayayaankan ayaa wuxuu dhibaato xooggan u geystay dalaggii soo go’i lahaa dayrtii lasoo dhaafay, mana jiraan cid ka caawisay beeraleyda sidii ay uga hortegli lahaayeen cudurrada iyo cayayaanka wax yeellada ba’an u geystay dalaggoodii.

Ma jiro mas’uuul ama hay’ado ka hadlay dhibaatada ku habsatay beeralyeda ku nool daafaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay, waxaana ay tani sababi kartaa in beeraley badan ay noqdaan barakacayaal ay dhibaato lasoo gudboonaato.



Hiiraan Online, Baydhabo