4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo dadka Naafada ah u ballanqaaday inay ka Caawin Doonaan Baahiyaha jira ee ay Tabanayaan (SAWIRRO)


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Dalladda ay ku midaysan yihiin ururada Naafadda Somaliland, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo ay ugu dabaaldegayaan maalinta Naafadda Aduunka oo sanad kasta la xuso December 3-deedda ku qabsaday magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan ay dadka naafada ahi maanta samaysteen ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamed Siillaanyo, qaar ka mid ah wasiiradda iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Dalladda Naafadda Somaliland, Mukhtaar Cismaan ayaa ka sheekeeyey waxqabadka ururadda naafadda Somaliland u qabtaan dadka naafada ah, waxa kale oo uu madaxweynaha ka codsaday inay taageeraan dadka naafada ah, isla markaana xafiisyada dawlada loogu samayn lahaa jid ay si fudud ugu mari karaan xafiisyada madaxda sare fadhiistaan ee guryaha dabaqyada ah si danahooga dhibyaraan ugu dhamaystaan.

“Madaxwayne dadkii dhagoolaha ahaa waxa ay ubaahan yihiin in schoolo iyo goobo ay waxa ku bartaan loo sameeyo.”ayuu yidhi Mukhtaar Cismaan oo ka hadlayey sidii xaga waxbarashadda loogu caawin lahaa, waxaanu intaas ku daray “ waxqabadkii ay xukuumada Siilaanyo ay noo qabatay intii ay jirtay waxa ka mid ah wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland oo wasiirkeeda halkan inala joogo waa wasiirka ka galiya ee ku jira xukuumada intaas leeg ee noogu dhawaaqay Agaasime waaxeed”.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Maanta deeq aad iyo aad ubadan ayaa halkan taala oo baaskiilado curyaana ah, taas oo ay kharashka lagu sameeyey ay bixiyeen madaxtooyada Somaliland waana arin lagu farxo oo waliba lagu faani karo”ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiye Mukhtaar.

“Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland waxa ay samaysay siyaasada lagu hagayo Naafadda, iyada oo la kaashanaysa ururada ay khusayso ee naafada ahi, siyaasadani waxa ay ka turjumaysaa oo ay cadaynaysaa sida dawlada Somaliland ay uga go’antay in ay tageerto dadka naafada ah”ayuu yidhi wasiirka Shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Mr. Garaad.

Waxa munaasibadan soo xidhay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxaanu sheegay inay doonayaan inay wax badan la qabtaan dadka naafadda ah, isla markaana ay caawin doonaan ururada naafada ah.

“Waxaan ballan ku qaadayaa hadii ilaahay nafta noodaayo inaanu bulshadaas naafada ah qiimaha aynagu leedahay aynu xusno oo aynu ka war qabano oo aynu waxa kasta oo ay qaban karaan kalsooni dheeraad ah ku siino haday tahay waxbarasho haday tahay shaqo iyo waxa kasta oo ay bulshada uga baahan yihiin ayaa loo baahanyahay in aynu tix galino”ayuuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey xafladda ay samaysteen ururadda Naafadda Somaliland.

Munaasabaddan maalinta Naafadda Aduunka waxa ururada naafada kala soo qaybgalay ciidamada Muusikadda, waxaana daba socday dadka naafada ah oo baaskiilkoodda wata, sidoo kale waxa xukuumaddu ugu deeqday 28 Mootooyin ee dadka Curyaamiintu wataan, kuwaas oo si bakhtiyaa nasiib ah lagu kala siiyey Mootooyinkaasi iyo Baaskiiladahaasi dadka naafadda ee soo codsaday mootooyinkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland