3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Ciidamadda Somaliland oo Xabsiga dhigay Maanta Wariyeyaal Mudaharaad cabasho ah ka sameeyey Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Ciidamadda Amaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa shan wariye oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin inay xukuumadu cabudhinayso warbaahinta iyo sida ay uga soo horjeedaan siideyntii nin hubaysnaa oo dhowaan weeraray wargeyska Hubaal oo jeelka laga siidaayey.

Wariyeyaashan la xidhay ayaa ka mid ahaaa wariyeyaal farobadan  oo maanta mudaharaad salmiya ka dhigay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ka cabanayey Ninkii soo weeraray wargeyska HUBAAL oo damiin lagu siidaayey.

Warbaahintan oo ay hor socdeen ururka warbaahinta Somaliland ee SOLJA iyo dadka u ololeeya xuquuqda bani’aadamka, kuwaas oo arrin fool xun ku tilmaamay siideynta ninkii fal dambiyeedka lagu haystay oo dhowaan la siidaayey.

Xoghayaha ururka SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa ugu baaqay warbaahinta illaa inta la fulinayo cabashooyinkooda in aan la qorin wararka madaxtooyadda ka soo baxa, isla markaana xukuumadda ugu baaqay in sharciga la hor keeno ninkii weerarka hubaysan ku qaaday wargeyska Hubaal iyo ciddii ka dambaysay.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa si weyn u dhaliilay muwaadin Jaamac Cumar Jiir la yidhaa oo maqaal uu qoray lagu xidhay, isla markaana ku jira jeelka mandheera ka dib markii ay maxkamaddi xukuntay, waxaanu ugu baaqay in muwaadinkiisa aragtiisa dhiibanayey si degdeg ah loo siidaayo, isla markaana uu ku dhex xanuunsnaayo jeelka Mandheera.

Guddoomiyihii hore ee Hay’adda xuquuqulsiinka dawladda Axmed wacays, ayaa ugu ku baaqay xukuumadda in sharciga la hor keeno dadkii fuliyey iyo kuwii ka dambeeyey weerarkii hubaysnaa ee lagu qaaday Wargeyska HUBAAL, waxaanu sharci daro ku tilmaamay sii deynta ninkaasi weeraray wargeyska ee maxkamadda ciidamada siidaysay, iyadoo aan ilaa hadda la xukumin, isla markaana ninkii labaad ee la socday aan la soo qaban.

Si kastaba ha ahaatee, markii warbaahintu ka hadashay dhibaatooyinkii ay tirsanayeen ayaa si degdeg ah ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee looyaqaan RRU qabqabteen koox wariyeyaal ah iyo qalabkooddii, waxaanay faro cidideed kamaradaydu kaga badbaaday inay ciidankaasi qabto, maadaama oo ciidanka yoolkiisu ahaa inay qabtaan wariyeyaasha Kamarada lagu arko.

Toddoba bilood ka hor ayaa laba nin oo hubaysani goor habeenimo ah weerareen wargeyska HUBAAL, kuwaas oo rasaas ku riday, Budadna la dhacay maareeyaha Wargeyska Maxamed Caloolay, haseyeeshee nasiib wanaag waxa shaqaalihii wargeysku ku guulaysteen inay qabtaan mid ka mid ah ragii hubaysnaa, waxaanay u gudbiyeen Ninkii iyo hubkiisiiba ciidamada booliska, haseyeeshee waxa uu ninkaasi ka mid noqday ciidanka booliska.

Ninkan oo loo gudbiyey maxkamadda ciidanka ayaa ilaa hadda la hor keenin maxkamadda, isla markaana aan la sheegin baadhitaankii ay wadeen ciidanku halka uu ku dambeeyey, waxaana la ogaaday in toddobaad ka hor ninkii wax weeraray la siidaayey, taasina waxay ka cadhaysiisay warbaahintii.




Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/3/2013 1:20 PM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Wasiirka qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa ka digay in bankiga Barclays ee dalka Britain uu xiro xisaabaadka xawaaladaha ay dadka Soomaaliyeed lacagta ku dirsadaan.

12/3/2013 12:27 PM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa soo saaray warbixin uu ku sharraxayo habkii ay u dhacday xil ka qaadista golaha shacabka, isagoo sheegay in haddii muddada fasaxa uga harsan baarlamaanka oo ku beegan 31-ka bishan aan lagu soo dhisin xukuumad loo baahanayo muddo kordhin la sameeyo iyo in xildhibaannada baarlamaanka la isugu yeero kal-fadhi aan caadi ahayn si howshan oo dastuuri ah loo dhameystiro.

12/3/2013 12:01 PM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Watchdog Transparency International, taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta hore kaga jirto dalalka caalamka ee uu musuq-maasuqu dilooday.

12/3/2013 11:39 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Warbixin uu soo saartay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inuu xoogeysanayo xiriirka u dhexeeya Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya iyo urur-weynaha Al-Qaacida.

12/3/2013 11:02 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Dalladda ay ku midaysan yihiin ururada Naafadda Somaliland, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo ay ugu dabaaldegayaan maalinta Naafadda Aduunka oo sanad kasta la xuso December 3-deedda ku qabsaday magaaladda Hargeysa.

12/3/2013 10:16 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo dajiraha Britain u jooga Soomaaliya, Neil Wigan ayaa maanta tagay Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo kulammo la qaatay maamulka iyo waxgaradka uu shirka uga socdo magaaladaas.

12/3/2013 10:02 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Magaalo madaxda ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya ee Jig-jiga ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan oo ku aaddan mar-tigelinta xuskii sideedaad ee qowmiyadaha dalka Itoobiya, iyadoo magaalada ay ku qul-qulayaan wufuud ka socota sagaalka qowmiyadood ee dalkan uu ka kooban yahay si xuskaas ay uga qayb-galaan.

12/3/2013 8:59 AM EST
Talaado, December 03, 2013(HOL) :- Xafladdan ayaa ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jabisay Machadka Farsamada Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee ku yaalla Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo ardeyda ka qalin jebisey machadkaasi oo ahayd dufcadii 4-aad ayaa waxay tiradoodu dhameyd ilaa 54 ardey oo 32 ka mid ah ay yihiin Gabdho, halka 22 kalena ay yihiin Wiilal.

12/3/2013 8:34 AM EST
Talaado, December 03, 2013(HOL) :- Madaxa arimaha bulshada maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo shir jara’aid ku qabtay xarunta degmada Kismaayo ayaa digniin u diray hay’adaha maxaliga ah ee kahowgala degmada Kismaayo, kuwaasoo uu ku eedeeyay waxqabad la’aan.

12/3/2013 8:29 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL)— Shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta daah furtay adeegga 3G (faca saddexaad) oo ay kusoo kordhisey adeegyadii isgaarsiineed ee ay qaban jirtey. Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday isla xarunta shirkadda, waxa kasoo qayb galay qaar kamid ah mas'uuliyiinta ugu sareeya maamulka shirkadda.

12/3/2013 7:47 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Xildhibaanka degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan ayaa sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka aan si khasab ah dalkoodii loogu celin karin.

12/3/2013 7:35 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay munaasabad lagu taageerayay go’aankii uu baarlamaanka Somalia shalay kalsoonida ugu diiday xukuuumadda ra’iisul wasaare Saacid.

12/3/2013 7:25 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL)— Qaar kamid ah musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland oo goor dhow shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa kasoo horjeestey guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta oo saacado kahor uu magacaabay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

12/3/2013 7:12 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Dalalka Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa noqday dalalka kaalinta hore kaga jira warbixin ay maanta soo saartay ha’yadda Watchdog Transparency International, taasoo kaalinta hore ay kaga jiraan dalalka Denmark iyo New Zealand.

12/3/2013 6:40 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in go’aankii uu ka gaaray baarlamaanka Soomaaliya xukuuamdii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid wax saameyn ah ku yeellan doonin diyaar-garoowgii loogu jiray qabashada doorashada maamulka gobolka Hiiraan.

12/3/2013 6:39 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradda magaalada Gaalkacyo ee C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa maanta laga soo dajiyey 40 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo ku xir-xirnaa xabsiyada ku yaalla jasiiradda Maldives.

12/3/2013 6:22 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Iyadoo shalay xidhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ay si aqlabiyad ah kalsoonidii ugala laabteen ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo xukuumaddiisii ayaa waxaa siyaabo kala duwan hadlay shacabka Soomaaliyeed.

12/3/2013 5:52 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL)— Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed (Faroole)ayaa maanta magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta. Guddigan oo ka kooban siddeed xubnood waxaa ku jira aqoon yahanano caan ka ah Puntland iyo weliba cuqaal.

12/3/2013 1:37 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa beryahan waxaa ka jira howlgallo lagu qabqabanayo dhallinyarada, iyadoo la sheegayo in magaalada ay soo galeen xoogag taageersan Al-shabaab kuwaasoo doonaya inay qaraxyo ka sameeyaan gudaha magaalada.