Talaado, December 03, 2013 (HOL)— Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed (Faroole) ayaa maanta magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta, guddigan oo ka kooban siddeed xubnood waxaa ku jira aqoon yahanno caan ka ah Puntland iyo weliba cuqaal. Madaxweynaha Puntland oo waxyar kaddib markii uu guddigan magacaabay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu rajo weyn ku qabo in guddigani uu noqon doono mid ay dhammaan dadka reer Puntland ku qancaan.
" waxan rajeynayaa in sidaas ay tahay loogu wada qanci doono, waana hubaa in lagu qanci doono...iyagana waxan Ilaah uga rajeyn hawshooda ay si wanaagsan u qabsadaan..." Madaxweyne Faroole ayaa yiri
Guddiga uu madaxweynuhu maanta soo magacaabay waxaa ku jira saddex xubnood oo madax-dhaqameedka Puntland ka tirsan, balse kuma jiraan dadkii horay ugu jirey guddigii doorashooyinka Puntland ee la kala diray.
Madaxweyna Puntland oo taas ka hadlayey ayaa yiri: " anagu waxan rabnaa doorasho cadaalad ah oo aan dal-dalool lahayn, oo dadka reer Puntland ku qanci karaan, sidaas darteed waxaan guddiga kusoo daray cuqaal, saddex caaqil baa ku jira..."
Guddiga uu Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole uu soo magacaabay ayaa kala ah sidan:
- Eng.Yuusuf Abshir Cadami - Gudoomiye
- Maxamed Cabdiqaadir Cismaan - Xoghayn.
- Cismaan Guureeya Kaarshe - Xubin
- Egn.Maxamuud Axmed Xasan - Xubin
- Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) - Xubin
- Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) - Xubin.
- Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) - Xubin.
- Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye - Xubin.
Madaxweynihii ka horreeyey C/raxmaan Maxamed Faroole, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo isna dhowaan warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xilligiisii aanu isagu soo magacaabin Guddiga Xallinta Khilaafaadka, balse gobol walba qof laga soo xulay, sidaasna ay musharraxiinta iyo isimadu ku heshiiyeen.
Howsha guddigan ayaa ah in ay kala hufaan xubnaha kamid noqon doona Golaha Wakiillada ee ay beeluhu soo xushaan, islamarkaana ay xalliyaan wax walba oo khilaafaad ah oo dhaca xilliga doorashada.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya