4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS oo daah-furtay Adeegga 3G (SAWIRRO)

Talaado, December 03, 2013 (HOL)—
Shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta daah furtay adeegga 3G (faca saddexaad) oo ay kusoo kordhisey adeegyadii isgaarsiineed ee ay qaban jirtey. Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday isla xarunta shirkadda, waxa kasoo qayb galay qaar kamid ah mas'uuliyiinta ugu sareeya maamulka shirkadda.

Ku-simaha maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Siciid Aadan Axmed oo ugu horreyn goobta ka hadlay,  ayaa sheegay in adeeggani uu yahay mid ay dadka reer Puntland muddo dheer sugayeen; si ay ula jaan qaadaan horumarka iyo tiknoolojiyadda casriga ah.

Madaxa waaxda ganacsiga ee Shirkadda Golis Cumar Maxamed Ciise (Faaruuq),  ayaa isna sharraxaad ka bixiyey adeegga cusub ee ay shirkaddu soo kordhisey, faa’iidooyinkiisa iyo weliba qaababka ugu fudud ee loo isticmaali karo.


Faruuq ayaa sheegay in adeeggani uu yahay mid dadka u ogolaanaya in ay qaab  “maqal iyo muuqaal ah” u wada sheekeystaan, isagoo intaas raaciyey in adeegga 3G (faca saddexaad) uu wato internet xawaare sare leh, kaasoo ay ka faa’iideysan karaan: warbaahinta, ardeyda iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada.

Ugu dambeyntii Faarax Xaaji Mire oo ah madaxa waaxda xiriirka dadweynaha ayaa si rasmi ah adeeggan u daah furay, kaddib markii uu si toos ah qaab maqal iyo muuqaal ah ugula hadlay maareeyaha xarunta Shirkadda Golis ee magaalada Garoowe Maxmuud ismaaciil Muuse.

Waa markii ugu horreysey ee deegaanada ay Shirkadda Golis ka shaqeyso laga hirgeliyo adeegga 3G, wuxuuna kusoo aadayaa xilli baahi weyn oo dhanka internetka ahi ay ka jirto dhammaan deegaanada Puntland.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya