4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Dalalka Somalia, Waqooyiga Kuuriya iyo Afgaanistaan oo kaalinta hore kaga jira dalalka ugu Musuqmaasuqa badan Caalamka

Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Dalalka Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa noqday dalalka kaalinta hore kaga jira warbixin ay maanta soo saartay ha’yadda Watchdog Transparency International, taasoo kaalinta hore ay kaga jiraan dalalka Denmark iyo New Zealand.

Warbixinta hay’ada ayaa lgau sheegay in 70% dalalka calaamka ay dhibaato weyn oo dhinaca musuqmaasuqa ah ka jirto, kaddib baaris ah hay’addan oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ku sameysay 177 waddan.

“Musuqmaasuqu wuxuu ku badan yahay dalalka saboolka ah,” ayuu madaxa hoggaaminayay guddiga baarista sameeyay oo lagu magacaabo Fin Heinrich u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Isagoo sheegay in dalalka warbixinta ay soo saareen meelaha hoose kaga jira ay yihiin kuwo uu ka jiro faqri aad u sarreeya.

Dalalka Liibiya, Siiriya iyo Mali ayaa hoos uga dhacay kaalintii ay warbixintan kaga jireen sannadihii lasoo dhaafay, taasoo loo sababeeyay rabshado kala duwan oo ka dhacay dalalkaas.

“Haddii aad eego kaalinta hoose ee liiska waxaa kaga jira dalka Soomaaliya, weli waxaa ka jira musuqmaasuq, waayo kama jirto dowlad si dhab ah ay u shaqeynayaan hay’adaheeda kala duwa, dadkuna ma heli karaan wixii ay u baahnaayeen sida cunno ku filan, shaqooyin iyo weliba badaado,” ayaa lagu yri warbixinta.  

Sidoo kale, Heinrich wuxuu sheegay in dalka Afgaanistaan oo ay ku sugan yihiin ciidammo ka socda NATO kama jiraan wax horumarro ah muddo 10-sano ka badan.

Dalka Waqooyiga Kuuriya ayuu sheegay inuu ka jiro hal xisbi oo talada oo dhan ay gacanta ugu jirto, wuxuuna ka mid yahay dalalka uu sida ba’an uga jirto musuqmaasuqa, waayo qof aan ka tirsanayn xisbiga dalkaas maamula ma helayo wax badbaado ah.

Warbixintan ayaa waxaa kaalimaha 10-aad illaa 19-aad kaga jira dalalka Ciraaq, Siiriya, Liibiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Jaad, Ekwatooriyaal Gini, Gini Bisow, Hayti, Turkmenistan, Uzbekistan iyo Yemen.

Dhanka kale, dalalka kaalimaha hore kaga jira warbixinta waxaa ka mid ah dalalka Denmark, New Zealand, Leksanberg, Kanada, Austraaliya, Holland, Switzerland, Singapore, Norway, Sweden iyo Finland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya