4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Maamulka Jubba oo Digniin u diray Hay’adaha Maxalliga ah ee ka Howlgala Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, December 03, 2013(HOL) :- Madaxa arimaha bulshada maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo shir jara’aid ku qabtay xarunta degmada Kismaayo ayaa digniin u diray hay’adaha maxaliga ah ee kahowgala degmada Kismaayo, kuwaasoo uu ku eedeeyay waxqabad la’aan.

Masuulkan ayaa sheegay in hay’aduhu aysan wada shaqeyn toos ah la lahayn maamulka, wuxuuna  uga digay in ay qabtaan shaqo uusan maamulku ogayn, waa siduu hadalka u dhigaye.

“Hay’ado badan oo NGO iyo Maxalli iyo kuwa Caalami ah ayaa ka howlgala degmada Kismaayo, hay’adahaasi shaqadii loo baahnaa kama hayaan magaalada Kismaayo, haday ahaan lahayd dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo arimaha bulshada,” ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Masuulkan ayaa sheegay in marar badan ay cabasho uga timid shacabka ku dhaqan Kismaayo, oo uu xusay in ay ka cabanayeen hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgalada degmada Kismaayo.

“Waxaan rabaa marka wixii hadda ka danbeeya wixii shaqo ee ay hay’aduhu qabanayaan ayaga oo aan fasax ka helin xafiiska arimaha bulshada oo anigu aan gudoomiye ka ahay in ayan bilaabi karin oo ayan shaqeyn iyaga oo aan nasoo marin inaga, oo aynan ogaan waxa ay wadaan iyo waxa ay tahay, “ ayuu yiri madaxa arimaha bulshada maamulka Jubba oo intaa ku daray in arintaasi ay ku xirantahay amnigooda iyo shaqadooda.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan hay’adii ama ururkii ka madax adeyga amarkooda.

“Hay’aduhu waa in ay u hogaansamaan amarka oo ay qaataan, Hay’addii ka dhago adeygta shaqo ayaa laga qabanayaan ilaa ay shaqadeeda ka saxdo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Hadalkan kasoo yeeray madaxa arimaha bulshada maamulka Jubba ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Kismaayo ay ka howlgalaan ururro kala duwan oo isugu jira kuwo maxalli ah iyo qaar kale oo caalami ah, waxayna ururradan degmada Kismaayo ka hayaan howlo kala duwan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo-Soomaaliya