4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2013
Shahaadooyin la Gudoonsiiyey arday ka qalin-jabisay Machadka farsamada Sayid Maxamed oo ka dhacday Baladxaawo (SAWIRRO)



Talaado, December 03, 2013(HOL) :- Xafladdan ayaa ahayd mid shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jabisay Machadka Farsamada Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee ku yaalla Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo ardeyda ka qalin jebisey machadkaasi oo ahayd dufcadii 4-aad ayaa waxay tiradoodu dhameyd ilaa 54 ardey oo 32 ka mid ah ay yihiin Gabdho, halka 22 kalena ay yihiin Wiilal.

Ardeyda ka qalin jebisey Machadka Farsamada oo laga hirgeliyay magaalada Baladxaawo sanadkii 2010, iyadoo xiligaasina lagu aas aasay ilaa 3 maado iyo 50 ardey, waxaana tirada ardeyda maanta wax ka barata Machadka Farsamada ay gaarayaan ilaa 206 ardey, balse daruusta xilligani lagu qaato Machadka ayaa waxay gaaraysaa ilaa 12 maado.

Eng. Cabdi Jaamac Karinle oo ah Xiriiriyaha Ururka Samafalka CERID oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay ardeyda maanta ka qalin jebisey machadka tiradoodu ay gaareysay 54 ardey, islamarkaana ay baranayeen maadooyin ay ka mid yihiin Computar IT, Electric, Electronic, harqaanka, kalareynta dharka iyo tolmada iyo Sida loo sameeyo foormiiga iyo aqallada.

Ujeedada laga leeyahay barashada cilmigan ayuu sheegay in ay qeyb ka tahay sidii dhalinyarada loogu sameyn lahaa xirfado waxbarasho iyo shaqo abuur, maadama gobolka uusan lahayn Jaamacado, isagoo sheegayna mashruucani inuu yahay mid ka mid ah mashaariicda ururka CERID uu ka wado Baladxaawo, halka magaalada Luuqna faraca ururka uu ka wado machad kale oo lagu baranayo cilmiga beeraha.

Ururkani oo 3-dii sano ee ugu dambeeyay horumar ku soo kordhiyay qeybo ka mid ah adeegyada waxbarashada gobolka ayaa waxaa uu taageero iyo gacansiinba ka helay hay’adda NCA oo mudo gaareysa ilaa 20 sano ah taageeraysay waxbarashada gobolka Gedo, machadkani ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale laga hirgeliyo gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya