4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
LAQANYO: “Kalsooni Kala Noqonashada Xukuumadda ma Saameyn Doonto Doorashada Maamulka Gobolka Hiiraan”


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in go’aankii uu ka gaaray baarlamaanka Soomaaliya xukuuamdii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid wax saameyn ah ku yeellan doonin diyaar-garoowgii loogu jiray qabashada doorashada maamulka gobolka Hiiraan.

“Dabcan khilaaf marka uu yimaado saameyn waa uu yeellanayaa, laakiin go’aanka uu gaaray baarlamanka waxaan oran karnaa waa mid dastuuri ah, waxaana  fillayaa in arintan wax saameyn ah ku yeellan doonin howlihii kala duwanaa ee ka socday gobollada dalka,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Waxaa uu sheegay in qaban-qaabada doorashada maamulka gobolka Hiiraan horayba u sii bilaabatay, hasse ahaatee la sugayo oo kaliya xildhibaannada ka soo jeeda gobolka iyo agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha oo howlo shaqo ku kadib markii uu fasax weydiistay ayuu yiri odayaasha iyo waxgaradka gobolka.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa intooda marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in go’aankii uu gaaray baarlamaanka Soomaaliya ee kalsoonida lagala noqoday xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Saacid dib u  dhac iyo saameyn weyn ku keeni doonto doorashada maamulka gobolka Hiiraan.

Gobollka Hiiraan marka laga soo  tago magaalada Beledweyne iyo degmada Matabaan waxaa intiisa badan maamula oo gacanta ku haya Xarrakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka iyo ciidamada gacanta millitari siinaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya