4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Dhallinyaro Fara badan oo lagu Qab-qabtay Baydhabo Kaddib Markii ay soo baxday Cabsi laga qabo Qaraxyo Degmadaas ka dhaca


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa beryahan waxaa ka jira howlgallo lagu qabqabanayo dhallinyarada, iyadoo la sheegayo in magaalada ay soo galeen xoogag taageersan Al-shabaab kuwaasoo doonaya inay qaraxyo ka sameeyaan gudaha magaalada.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Bay, Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa horay hadalkan u sheegay, iyadoo taasi ay keentay in la qabto dhallinyaro aad u fara badan oo ku noolaa magaalada Baydhabo, kuwaasoo intooda badan ka shaqeysan jiray garaashyada ku yaalla magaalada, waxaana tirada laga soo qabtay garaashyada ay gaarayaan 56-ruux kuwaasoo baaritaanno ay ku socda. Toddobaadkii hore waxaa la qabtay dhallinyaro arday u badan iyo kuwa ganacsato ah.

Sidoo kale; magaalada Baydhabo waxaa yimid hay’ado badan oo ay ka mid yihiin: DRC, WORLD VISION, IRC, HIJRA, BASOS iyo kuwa kale; kuwaasoo wada qorshayaal ay ku doonayaan inay howlahoodii dib u billaabaan.

Rag hubeysan ayaa weeraray mid ka mid ah shaqaalaha hay’adda DRC gaar ahaan qaybteeda miino baarista waxaa dhaawac loo geystay mid shaqaalihii haya’ddaas ka tirsan, iyadoo la sheegayo in arrintan ay timid kaddib markii uu mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka ka dalbaday hay’adda inay shaqo siiso gabar uu dhalay, taasoo ay diidday hay’addu, iyadoo ay weli Baydhabo ka taagan tahay xiisad arrintaas ka dhalatay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalin walba gaara hay’ado gargaar oo fara badan, kuwaasoo doonaya inay xafiisyo ka furtaan. Waxaana lagu arkaa maalin walba Baydhabo gaadiid la shaqaaleysiinayo iyo sidoo kale dad aad u badan oo ha’yadaha shaqooyin u raadsanaya.

Dhanka kale, ergooyin doonaya in ay ka qayb-galaan shirka maamulka loogu sameynayo lixda  gobol ee Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ku yaalla ayaa gaaraya maalin walba Baydhabo, iyadoo hoteellada magaalada ay buux dhaafiyeen ergooyin ka yimid  dalka dibaddiisa.

Hiiraan Online, Baydhabo