4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Shacabka Soomaaliyeed oo Siyaabo kala duwan uga Hadlay xil ka Qaadista lagu Sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xilka ka dagaya

Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Iyadoo shalay xidhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ay si aqlabiyad ah kalsoonidii ugala laabteen ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo xukuumaddiisii ayaa waxaa siyaabo kala duwan hadlay shacabka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah shacabka aya soo dhaweeyay arrintan, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid aan sax ahayn, iyagoo sabab ka dhigaya inay filayeen in xilligan laga gudbay is-qabqabsigii dhinaca siyaasadda ee madaxda Somalia.

“Arrinta waa mid aan soo dhaweynayno, waayo qofkii wax qaban waayay in shaqada laga eryo si fursad loo siiyo siyaasiyiinta kale ee dalka horumar u horseedi kara,” ayuu yiri Cumar Faarax oo 45-jir ah oo arrintan ka hadlay.

Sidoo kale, haweeney lagu magacaabo Asli Cumar oo 33-jir ah shan caruur ahna hooyo u ah ayaa sheegtay in tani ay nasiib-darro ah tahay, ayna iyadu u aragto in Soomaaliya ay dib ugu laabatay xilligii adkaa ee laga soo gudbay.

“Waxay ila tahay in tani ay tahay nasiib-darro kale oo Soomaaliya ay dib ugu laabatay, waayo haddii madaxdu is-qabato waxaa la filan oo kaliya waa inuu dalku jaha-wareer xooggan galo,” ayay tiri Asli.

Arrintan waxaa sidoo kale ka hadlay cuqaal Soomaaliyeed oo qaarkood soo dhaweeyay tallaabadan halka kuwo kalena ay dhaliileen, waxaana dadka soo dhaweeyay ka mid ah Caaqil lagu magacaabo Suldaan oo sheegay inay tani tahay mid loo baahnaa, madaxweynuhuna uu ka fiirsado cidda uu xilkan u soo magacaabayo.

“Madaxweynuhu markii uu soo magacaabay Saacid aad ayaan ugu faraxnay, balse xukuumaddu waxay noqon waday mid howsheedii gudan wayda, waa mid sax ah in xilka laga qaado, waayo waxaa la raadinayaa qof kale oo dalka iyo dadka uga faa’iideyn kara xilliga dowladda u harsan,” ayuu yiri Suldaan.

Dadweynaha ka hadlay arrintan ayaa waxay qaarkood muujiyeen cabsi ah in dalka uusan wax horumar ah gaari karin, oo saddexda sano ee harsan laga yaabo in muran siyaasadeed iyo qalalaase ay dowladdu ku jirto.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee xilka laga qaaday oo xafiiska joogay hal sano ayaa sheegay inuu aqbalayo go’aanka baarlamaanka, inkastoo uusan weli ka haldin sida uu u arko go’aanka ay baarlamaanku ku gaareen inay shaqadii ka eryeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo, isagoo ammaan u jeediyay ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ku kalsoondaan dowladda oo ay fishaan waxqabad intan ka badan.

Isku soo wada-duuboo su’aalaha inta badan ay shacabka Soomaaliyeed is -weydiinayaan ayaa ah ra’iisul wasaaraha lasoo magacaabi doono waa nin caynkee ah, mase ka badbaadi doonaa muran isaga iyo madaxweynaha soo dhexgala?.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya