4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
XILDHIBAAN YUUSUF XASAN: “Qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool si khasab ah dib looguma celin karo dalkoodii”


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Xildhibaanka degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan ayaa sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka aan si khasab ah dalkoodii loogu celin karin.

Isagoo ka hadlayay kulan ku saabsan dib u celinta qaxootiga Soomaalida oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayuu xildhibaanku sheegay in heshiiska dib u celinta qaxootiga Soomaalida ay dhawaan saxiixeen dalalka Kenya, Soomaaliya iyo weliba hay’adda UNHCR aysan dhigayn in qaxootiga Soomaalida si khasab ah dalkoodii loogu celiyo.

“Qoxootiga Soomaalida ah ee Kenya ku nool si khasab ah dib loogu celin karo dalkoodii, waxaana muhiim ah in la ogaado in cidina aysan ku khasbi karin Soomaalida inay ka tagaan Kenya,” ayuu yiri Yuusuf Xasan.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay Soomaalida ku nool Kenya inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka, loogana hor-tagi lahaa falalka wax u dhimi kara nabadgelyada ee ay geysanayaan koox yar oo nabadda kasoo horjeedda.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo bishii hore uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku in la xirayo dhammaan xeryaha qoxootiga ee Kenya ku yaalla qoxootiga Soomaalida ahna dib loogu celinayo dalkoodii.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan milyan qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo intooda badan ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Kulanka ka dhacay Islii ee looga hadlayay arrimaha dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ayaa waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay hay’ad Kenyan ah oo u doodda xuquuqda qaxootiga iyo ganacsatada Islii.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Westgate Mall oo mas’uuliyaddisa ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa xukuumadda Kenya ay dadaal xooggan ugu jirtay sidii ay qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya