5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2012
Dagaal Saaka ka billowday Magaalada Buuhoodle iyo wararkii u dambeeyay oo la xiriira dagaalkaas

Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Ciidamada Somaliland ayaa saaka Hiirtii hore gacanta ku dhigay magaaladda Buuhoodle, kaddib markii dagaal saacado socday ay deegaankaasi ku dhexmareen ciidamada Somaliland iyo ciidamo beeleed magaaladda Buuhoodle joogay.

Sida aanu ka helayno wararka dagaalladan maanta ka bilaabmay magaaladda Buuhoodle ayaa la sheegay in dagaalku ka bilaabmay madaafiic ay xalay labada ciidan iswaydaarsadeen, walow qoloba dhanka kale ku eedaynayso inay iyagu weerarka ku horreeyeen, haseyeeshee wararku waxay intaas ku dareen in ciidamadda Somaliland ay xoog ku qabsadeen magaaladda Buuhoodle.

Warar aan si rasmi ah loo cadayn ayaa sheegayaa in markii magaaladda galeen ay dhawr askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ku dhowaacmeen.

Dhanka kale ciidan beeleedka magaaladda Buuhoodle ilaa hadda wax war ah kama helin, inkastoo la sheegayo in badi dadkii magaaladdu ka qaxayaan magaaladda maadaama magaaladu isku bedeshay xarun dagaal.

Inkastoo aan isku daynay in ay saraakiisha jiidda hore ku sugan la xiriirno nooma suurtogalin in aanu war rasmi ah ka helno.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland