Dowladda Uganda oo ka dalabtay Qaramada Midoobay inay kordhiso taageerada ay siiso ciidamada AMISOM

Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Xukuumadda dalka Uganda ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay inay kordhiso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo marka magacooda lasoo gaabiyo loogu yeero AMISOM.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Uganda, Dr. Chrispus Kiyonga oo ka hadlayay kulan ay Jimcihii yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka sheegay in taageerada UN-ku siiyo AMISOM oo la kordhiyo ay sababi karo in guulo laga gaaro wajiga labaad ee dagaalka la qorsheynayo in lala galo Al-shabaab.

"Dalalka Uganda iyo Burundi waxay naf qaali ah ku bixiyeen xoreynta Muqdisho, iyagoo caawinaya dowladda KMG ah ee Soomaaliya si amaanka loo sugo, taasoo keentay in madaxda dunidu ay si nabad ah ku booqdaan Muqdisho," ayuu yiri Dr. Kiyonga.

Wasiirku difaaca Uganda wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM aysan haysan qalab iyo waxyaabihii kale ee loo baahnaa, sidaas oo ay tahayna ay horumar la taaban karo sameeyeen.

Dr. Kiyonga, wuxuu taageeray codsigii ururka Midowga Afrika ee ahaa in AMISOM ay ka mid noqdaan howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda Muqdisho, isagoo xusay inay tani keeni doonto in AMISOM ay ku guuleysato inay Soomaaliya oo dhan qabato.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu walaac ka muujiyay weerarrada ay burcadbadeeddu ka wadaan badweynta Hindiya, isagoo sheegay in taasi ay dhaawac ku tahay dadaalka lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay in burcadbadeeddu ay awood ku leeyihiin dhulka.

Dowladda Uganda ayaa waxay ka mid tahay howgalka Midowga Afrika AMISOM ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxaana howlgalkan ay billaabeen sannadkii 2007.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya