Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa maanta barqadii labaatan wariye u taxaabay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kaddib markii hawl-wadeennada iyo wariyeyaasha telefishanka madaxa bannaan ee Horn Cable TV ay madaxtooyadda horteedda ka dhigeen mudaharaad salmi ah.
Wariyeyaashan xabsiga loo taxaabay ayaa iskugu jira kuwa ka hawlgalayey jaraa’idada magaalada ka soo baxa, kuwa Telefishanada u shaqeeya iyo qaar Websiteyadda ka hawlgala, dhamaantoodna waxay ku jiraan saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.
Duhurkii maanta mar aanu ku booqonay suxufiyiinta saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa ayaa waxay noo sheegeen in si xun ay ciidamadu u garaaceen markii ay soo xidhayeen, isla markaana ay dhibaatooyin jidh dil ah loo geystay, iyadoo budad lagu garaacay, isla markaana xoog baabuurta loogu saaray.
"Ciidamaddu si xun bay noo garaaceen oo budad bay nala dhaceen, gaadiidkana xoog bay nagu saareen, marka imika waanu iska fiicanay dee saldhigan uun baanu ku jira," sidaas waxa yidhi Maxamed Xarago oo wariyeyaasha xihdan ka mid ah.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md: Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa ka hadlay xadhiga iyo xayiraadda lagu soo rogay Telefishankan HCTV, waxaanu sheegay in ay xukuumadda kala noqotay rusqadii ay u siisay Telefishanka inuu kaga shaqeeyo Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in wariyeyaashani sameeyeen banaanbax aan sharciyeysayn.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee Suxufiyiin labaatan ka badan hal mar xabsiga loo taxaabay, taasina waxay kala fogaysanay Xukuumadda Somaliland iyo Warbaahinta Somaliland ka hawlgala.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland