Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn ay maanta u geysteen Degmada Jilib ku dilay Caruur fara badan

Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Ugu yaraan shan caruur ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya u geysteen baqonimadii maanta degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, iyadoo ay sidoo kale duqeyntan ku dhaawacmeen afar caruur ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jilib ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duqeyn u geysteen dhowr goobood, balse ay khasaare kasoo caruurta yaryar ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

"Mar qura ayaa waxaa magaalada soo galay guux diyaaradeed, waxaana xigay inay gantaallo ku dhacaan bartamaha degmada, waxaa dhintay shan caruur ah oo kala ahaa laba wiil iyo saddex gabdhood," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada jilib.

Aabbaha iyo hooyada caruurtan ayaan xilligaas ku sugnayn guriga, waxaana lagu sheegay gantaallada ay degmadaas ku dhacday dhowr iyo toban gantaal, waxaana ku dahawacmay far ilmood oo kale kuwaasoo isugu jiray saddex gabdhood iyo hal wiil.

"Duqeyntu waxay socoday daqiiqado kooban, waxaana gudaha degmada ku dhacay dhowr iyo toban gantaal, mana jiraan wax khasaare ah oo gaaray xoogagga Al-shabaab ee ku sugan degmada," ayuu yiri goobjooge kale oo ku sugan Jilib.

Waa markii labaad oo ay ciidamada Kenya duqeyn u geystaan degmada Jilib tan iyo markii ay howlgalka milaterig ee ay kula dagalaamayaan Al-shabaab ka bilaabeen Koonfurta Soomaaliya muddo laga joogo saddex bilood.

Duqeyntii middan ka horreysay oo dhacday 30-kii Oktoobar 2011 ayaa waxay ku dileen diyaaradaha dalak Kenya in ka badan 10-qof oo shacab, kaddib markii ay dhowr gantaal ku dhufteen kaam ku yaalla degmadaas oo raashin loogu qaybinayay dad shacab ah.

Bishii hore ayay ahayd markii duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen deegaanka Hoosigoow ee gobolka Jubbada hoose waxay ku dileen 15-qof oo u badanaa caruur iyo haween, waxaana diyaaradaha Kenya inta badan ay khasaare u geystaan dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya