Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Ciidamadda amaanka Somaliland ayaa xalay Telefishanka af soomaaliga ku hadla ee Horn Cable Tv xaruntiisa dhexe ee magaalada Hargeysa albaabada u xidhay.

Ilaa hadda xukuumaddu wax war oo cad kama soo saarin Telefishanka la xidhay iyo sababta la xidhay, haseyeeshee Xamse Cali Bulbul oo ah madaxa wararka ee Telefishanka ayaa HOL u sheegay in xalay fiidkii ciidamo badani qasab kaga soo saareen shaqaalihii iyo hawlwadeenadii Telefishanka.
"Booliska ayaa markii hore soo xidhay xafiiska suuqgeynta ee Telefishanka, ka dibna waxa ay yimaadeen xarunta warbaahinta ee dhexe, waxaanay shaqaalihii ka soo wada saareen xafiisyadii, isla markaana uu ciidankii la wareegay xaruntii telefishanka, sidaasna lagu xidhay xafiiska Telefishanka "ayuu yidhi.
Masuuliyiinta Telefishanka ayaa sheegay in ciidamada la wareegay xarunta Telefishnka aanay wadan wax waaran ah oo sharciyeysan, balse amar uun lagu siiyey inay xafiiska ka soo dareeraan.
Si kastaba ha ahaate, madaxweynaha ayaa shalay markii uu khudbad sanadeedka labadda gole Baarlamaan u jeedinayey ku xusay in Telefishankaasi uu ka hor yimid qaranimadda Somaliland, isla markaana u burburinayo Somaliland, isagoo arrintaasi tilmaamayana waxa uu yidhi. "Waxaan dulqaad u leenahay dhaliilaha iyo toosinta naloo soo jeediyo, haseyeeshee waxa soo baxay xuduudihii uu sharcigu u baneeyey sida tv-ga gaarka loo leeyahay ee Horn Cable Tv oo cadaystay faafinta barobogaandho lid ku ah qaranimadda Somaliland"
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland