Sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo ku hanjabay inay mar kale weerar ka fulinayaan gudaha dalka Kenya

Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab oo dhawaan weeraray deegaan lagu magacaabo Gerille oo ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegay inay mar kale weerar noocaas ah ku qaadayaan dalka Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cabbaas C/llaahi oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in weerarro kale ay ku qaadi doonaan dalka Kenya, isagoo xusay in weerarkii dhawaan ay qaadeen ay ku naafeeyeen dowladda Kenya.

"Dhawaan waxaabn weerar ku qaadnay deegaanka Gerille-Kenya, waxaana halkaas ku dilnay toddoba sarkaal, dhowr kalena waan kasoo qafaalay, taasoo ay aad ugu farxeen shacabka ku nool gobolka Gedo iyo maamulka Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Cabbaas.

Sidoo kale, sarkaalkan u hadlay Al-shabaab wuxuu sheegay in duqeyntii ay Kenya ka geysatay deegaannada ay ka taliyaan aysan wax khasaare ah kasoo gaarin xoogaggooda, isagoo sheegay inay beegsadeen kaamam ay ku jiraan barakacyaaal iyo ceelal-biyoodyo.

"Weerarrada cirka ee Kenya ma ahan kuwo hadaf iyo yool leh, waxayna inta badan la beegsadaan goobaha ay shacabku ku sugan yihiin, innagana Alle waa naga badbaadiyay," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhawaan ayay ahayd markii Xarakada Al-shabaab ay kusoo bandhigay degmada Baardheere ee gobolka Gedo saddex sarkaal oo Kenyan ah iyo gaari ay kasoo qabsadeen degmada Wajeer halkaasoo ay weerareen habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay.

Xukuumada Kenya ayaan ka hadlin raggan lasoo bandhigay iyo hanjabaaddan, iyadoo ay horay u sheegeen mas'uuliyiinta Al-shabaab inay weerarro aargudasho ah la beegsann doonaan dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya