Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Kooxo aan la garaneynin ayaa xalay weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah waxaa ay ku qaadeen saldhiga baliiska magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Dooxada Shabeelle.
Weerarka oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaan wax khasaare ah geysan marka laga reebo argagax iyo cabsi ay ka qaadeen dadkii ka ag-dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxa kadib ayaa waxaa markiiba bilaabay howlgal lagu sugayo amaanka ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle oo la arkayay iyaga oo gaaf-wareegaya jidadka iyo xaafaddaha magaalada si ay nabad-galyada u xaqiijiyaan, waxaana ay dadka magaalada wixii xiliga ka danbeeyay ku amrayeen in ay guryahooda galaan.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa xiligan waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwa maamulka Dooxada Shabeelle, iyadoo ciidamada Itoobiya saldhigooda ugu weyn uu yahay xarunta maamulka gobollka Hiiraan.
Ilaa hadda dhab ahaan looma oga cida ka danbeysan weerarka, waxaana jiray howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay oo ay wadaan ciidamada amaanka oo ilaa xalay ku howlanaa sidii loo heli lahaa dadkii weerarkaasi fuliyay.
Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa lagala wareegay gacan ku heynta Beledweyne 31-kii bishii December, 2011, kadib markii ay duulaan qorsheysan ku soo qaadeen ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Dooxada Shabeelle oo wada socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya