Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska siyaasadda iyo xiriirka gobollada ee Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in la xadiday lacagaha la isku mariyo taleefoonnada ee loo yaqaan EVCPlus iyo E-maal oo ay fureen shirkadaha taleefoonnada ee Hormuud iyo Nation-link oo ka howlgala Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in lacagaha la isku mariyo taleefoonnada aysan ka badnaan karin 150-dollar markiiba, iyadoo tani ay hoos u dhigayso lacagihii hore la isugu marin jiray oo gaarayay illaa 250-dollarka Mareykanka ah.
Xarakada Al-shabaab waxay sheegtay in iyadoo la ilaalinayo hantida Soomaalida loogana hortago wax walba oo qalal-gelin kara hantida ummadda waxaa lasoo saaray qodobbadan:
- In la adkeeyo go'aankii hore ee ahaa xayiraadda adeegsiga xawaaladaha mobile-ka ee loo yaqaan MMT-ga.
- In adeegga loo yaqaan EVCPlus ama E-maal ee la ogol yahay uu ku koobnaado gudaha dalka Soomaaliya oo keliya uusanna u gudbin dalka dibaddiisa, qiimaha lagu shuban karana uu noqdo markiiba 150-dollar.
Warsaxaafadeedka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in calaamka uu haatan ka taagan yahay dhibaato dhaqaale oo aan horay u soo marin, taasoo saameyn ku yeelatay dadka ku nool caalamka oo dhan. Iyadoo sidoo kale bayaanka lagu xusay inuu fashilmeen qorshayaalkii lagu xakaeyn lahaa.
Xarakada Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in dhibaatada dhaqaale ee dunida ka taagan ay sabab u yahay iyadoo laga leexday nidaamka dhaqaale Islaamka ah oo ay sheegeen inuu miisaan sax ah saarayo dhaqaalaha dunida.
Ugu dambeyn, waxaa bayaanka lagu sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ku dadaalaan shaqooyinka xalaasha ahm, ayna ka fogaadaan xaaraanta iskana ilaaliyaan mab'da'a kali noolaashaha ah.
Adeegyada laga lacagaha isaga xawilo ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ay soo bandhigeen ayaa ah midka ugu fudud oo ay dadku isugu diri karaan lacagaha, sidoo kalena suuqyada looga iibsan karo badeecooyinkii loo baahdo.
Dhammaadkii sannadkii 2010 ayay ahayd markii Al-shabaab ay soo saartay qoraal ay ku dalbanayso in la joojiyo adeeggii Zaad Sevice oo ay soo bandhigtay shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaana taasi ay keentay in dadku ay waayaan inay si fudud lacago isugu xawili karaan iyagoo ku kala sugan goobo kala fog.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya