Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Booliiska Kenya ayaa sheegay inay xireen 29-qof oo u dhashay dalka Uganda, kuwaasoo doonayay inay ku biiraan Al-shabaab oo kula dagaalamaysa Soomaaliya ciidamada AMISOM, Kenya, DKMG ah iyo Itoobiya.
Afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in dadkan oo 27-qof oo ka mid ah ay yihiin rag iyo laba dumar ah ay ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
"Booliisku waxay baaritaan ku sameynayaan dadkan ay qabteen oo looga shakisan yahay inay ku wajahanaayeen Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan Al-shabaab," ayuu yiri Kiraithe.
Mr Kiraithe wuxuu sidoo kale sheegay inay feejignaantooda adkeynayaa, isagoo ku wargeliyay shacabka Kenya inay ka digtoonaadaan wax walba oo khatar gelin kara amaankooda.
Dhanka kale, afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa isna sheegay in howgalka ay ka wadaan Soomaaliya ay ku dileen 700 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa.
Col. Oguna wuxuu hadalkiisa raaciyay in howgalka Kenya ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya uusan dhammaanayn inta laga cirib-tirayo Xarakada Al-shabaab oo uu xusay inay khatar ku yihiin ammaanka Bariga Afrika.
Kumannaan askarta Kenya ah ayaa ku sugan gobolada Koonfurta Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya iyaga iyo xoogaga Al-shabaab, iyadoo tani ay sababtay in xaalado dhinaca nolosha ah ay lasoo gudboonaato dadka ku nool goobaha lagu dagaalamayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya