Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Madaxweynaha maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xarunta madaxtooyada Soomaaliya laga abaabulayo maamul goboleed cusub oo looga dhawaaqo degmada Hobyo ee Mudug.
Col. Caalin ayaa sheegay in xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya ay ku sugan yihiin odayaal doonaya inay maamul goboleed uga dhawaaqaan Hobyo oo ka mid ah degmooyinka uu maamulkiisu ka taliyo.
"Xafiiska madaxweynaha ee Muqdisho waxaa ka socda qorshayaal lagu doonayo in maamul looga sameeyo Hobyo, waana ka digaynaa arrintaas, waayo Hobyo waxay ka mid tahay deegaannada aan maamulno," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale, Col. Caalin wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxada DKMG Soomaaliya aan wax xiriir ah oo arrintan ku aaddan aysan la sameynin maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay madaxweynaha DKMG Soomaaliya inuusan carqaladeyn maamulka Galmudug.
"Dhamaan qalalaasaha ka jira Galmudug, dagaallada ka dhacay degmada Caabud-waaq iyo shirkii uu soo qabanqaabiyay maamulka Ximan iyo Xeeb ee la isugu keenay maamul goboleedyada dalka ka jira waxaa laga soo abaabulay xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya," ayuu si cad u yiri Col. Caalin.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Galmudug uu ku eedeeyo Sheekh Shariif inuu mas'uul ka yahay qalalaase laga dhex abuurayo maamulkiisa, iyadoo labada mas'uul ay ahaayeen kuwo aad isugu dhow xilliyadii ugu dambeeyay.
Ma jiro hadal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo looga jawaabayo arrintan, iyadoo hadalkan uu imaanayo xilli maalin ka hor looga dhawaaqay degmada Gaalkacyo maamul goboleed lagu magacaabo Galbeedka Puntland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya