Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Laba xubnood oo ka socda machadka caalamiga ah ee Innovation Democracy ayaa shalay madaarka Berbera ee gobolka Saaxil ka soo degay, iyagoo ka yimid dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka California.
Labadan xubnood oo ah profossero ayaa la kala yidhaa Prof. Liisa Valikangas iyo Jaak Treiman oo ah shacri-yaqaan caalami ah kana tirsan madaxda sar-sare ee xarunta horumarinta Dimuqraadiyadda (Innovation Democracy), waxa garoonka Berbera ku soo dhoweeyey madaxa machadka Institute for strategic and initiatives (ISI) Cabdikariim Cusmaan Jaamac iyo guddoomiyaha Komishanka ICT-ga Somaliland Mr:Cali Daahir.
Cabdikariim Cusmaan Jaamac ayaa sheegay inay aqoonyahanadani ka socday machadka la yidhaa innovation democracy, isla markaana wax ka dhiga jaamacadda ALTO Universtiy oo ku taalla Hilisink–finland, halka ka kalana ka taliye ka yahay xaruntan innovation democracy.
Cabdikariim oo ah madaxa xarunta ISI oo iyagu casuumada u fidiyey labadan aqoonyahan, ayaa sheegay inay u yimaadeen soo bandhigida buug ka hadlaya hogaaminta wanaagsan, isla markaana ay sharaax ka bixin doonaan hogaaminta casriga ah.
Labadan aqoonyahan ayaa aqoon korodhsiyo kala duwan siin doono ururada iyo hay’adaha kala dawan ee dawladda, aqoon korodhsigaasi oo ku salaysan horumarinta iyo kor u qaadidda Dimuqraadiyaddda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland