Koox ka tirsan Muslimiinta dalka Kenya oo sheegtay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya

Axad, Jannaayo 15, 2012 (HOL) − Koox muslimiinta Kenya ka tirsan ayaa maanta sheegay inay yihiin wakiilka Al-shabaab ee dalka Kenya, tan oo qayb ka noqonaysa khatarta dalka Kenya kasoo wajahaysa Xarakada Al-shabaab oo ay ciidamadoodu kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saareen kooxdan oo lagu magacaabo Muslim Youth Center ayaa durba waxay u hanjabeen safaaradaha ku yaalla dalka Kenya, iyagoo xusay inay weerari doonaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay weerarro ku qaadayso dalka Kenya taasoo ay uga jawaabayso ciidamada ay u soo direen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Kooxda xarunta dhallinyarada muslimiinta Kenya ayaa lagu sheegay warbixin ay UN-ku soo saareen sannadkii hore, iyadoo la sheegay inay gudaha Kenya ka qoraan dhallinyaro u dagaalama Al-shabaab iyo inay dhaqaale u ururiyaan. Iyadoo xilligaa afhayeenka Al-shabaab uusan wax jawaab ah ka bixin su'aalo arrintan ku saabsan oo la weydiiyay.

"Wax shaki ahi kuma jiraan in Amiir Axmed Imaan Cali uu yahay madaxa Al-shabaab ee dalka Kenya, waana aqoonsannahay walaalaheenna Soomaaliyeed ee sida aan daalka lahayn ula dagaalamaya gaalada iyo muhiimadda ay leedahay inay Kenya u soo diraan mujaahidiin," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay kooxda Kenyanka ah soo saartay.

Mas'uulka Al-shabaab ay u magacowday Kenya ayaa bishan horraanteedii wuxuu soo duubay cajalad muuqaal ah oo soconaysay 50-daqiiqo, taasoo uu ku sheegay inuu hoggaaminayo dagaal ka dhan ah Kenya. Isagoo dagaalyahannada ku sugan dalalka Yemen, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Jeejniya ugu baaqay inay kusoo biiraan dagaallada socda.

"Haddii aad tahay ruux awoodi kara inuu yimaado dhulka Jihaadka... si aad cadowga ula dagaalanto waan kusoo dhaweynaynaa," ayuu Sheekh Cali ku yiri cajaladiisa, isagoo intaas ku daray: "Jihaadku wuxuu hadda u wareegay gudaha dalka Kenya."

"Uma baahnid inaad waalidkaa ogolaasho ka hesho," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo Kenya ku sheegay goob ay ku dagaalamayaan muslimiinta caalamka iyo cadowgooda.

Sheekh Axmed Iimaan oo sidoo kale loo yaqaan Cabdulfitaax Kismaayo ayaa u dhashay dalka Kenya, wuxuuna tan iyo sannadkii 2009 ku noolaa dalka Soomaaliya isagoo madax u ah 200 illaa 500 oo dagaalyahannada Al-shabaab ka tirsan sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qarammada Midoobay bishii July ee sannadkii hore.

Sidoo kale, mas'uulkan ay Al-shabaab u magacowday dalka Kenya wuxuu ku hadlaa luuqadaha sawaaxiliga, Ingriiska, Carabiga iyo xoogaa Soomaali ah, sida laga soo xigtay saraakiil Kenyan ah. Wuxuu bartay diinta islaamka isagoo ka haysta laba shahaado.

Ugu dambeyn, saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya laba dagaalyahan oo kale oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo lagu kala magacaabo "Taksiile iyo Jeneraal" oo aad ugu dhow Sheekh Axmed Iimaan Cali inkastoo aysan sheegin aqoontooda diineed heerka ay gaarsiisan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya