Xisbiga UDUB oo shirweyinihii golaha dhexe iyo toban guuradii aasaaskiisa ku qabsaday magaalada Hargeysa

Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL)-Toban guuradii aasaaska xisbiga UDUB ayaa maanta lagu qabtay Hotel Crown ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen taageerayaasha, xubnaha dhexe iyo madaxda xsibiga UDUB, waxaanay ku casuumeen madaxda sare ee xisbiga UCID.
Maalintii la aasaasay xisbiga UDUB ayaa ku beegnayd 30 June, 2001, kaas oo uu aasaasay madaxweynihii hore ee xisbiga Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ka dibna uu taladii xisbiga la wareegay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
 
 
Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada ee Xisbiga UDUB Rashiid Xaaji Cali Guuleed ayaa ka waramay qabanqaabada xisbiga UDUB iyo ujeedada xafladan  " maanta waxay ku beegan tahay Sanad-guuradii 10aad ee Xisbiga UDUB ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay Xisbiga UDUB oo ahayd Sanadkii 2001-dii bishii June waxa kale toban guurada daba socda Shirweynihii golaha dhexe ee Xisbiga UDUB” ayuu yidhi
 
Guddoomiyaha qabanqaabada waxa uu intaas ku daray inay xubnaha golaha dhexe ka kooban yihiin 260 iyo  33 xubnood oo loo magacaabay guddida fulinta ee xisbiga UDUB.
Wasiirkii hore ee Duulista hawada, Cali Warancad ayaa isna eedo kulul usoo jeediyey Xukuumadda Somaliland, isagoo ku eedeeyey in dalkii dhamaa ee ay ku wareejiyey baa’iyeen, isla markaana ummadii jahaweeriyeen.
 
 Waxa isaguna halkaasi ka hadlay ku simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu sharaxaad ka bixiyey marxaladihii uu soo maray xisbiga iyo sida loo rabo inuu talada dalka dib ugu soo laabto.
 
“ markii hore waxa isku milmay xisbigii iyo maamulkii, taas ayaana keentay in xisbigii hoos udhac ku yimaado, waxa kale oo jirta in xisbiga dalka ka talin jiray sideed sanadood oo Rayaale xukumayey iyo sagaal sanadood oo uu marxuum Cigaal ka talinayey, dadku had iyo jeer waxa ay jecel yihiin inay isbedel arkaan iyo wajiyo cusub” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo sharaxayey sababihii looga guulaystay xisbiga.
 
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo shirweynaha ka codsatay in xisbiga iyada lagu soo wareejiyo maadaama oo uu horumarkiisii hoos uga dhacay, waxaanay dhaliil xoog leh usoo jeediyey xisbiga UDUB wakhtigii uu dalka ka talin jiray.
 
“Waxaan codsanayaa maanta in taladii xisbiga UDUB Guddoomiyenimadeedii aniga la igu soo wareejiyo diyaar ma u tihiin arrintaasi, talladii xisbiga UDUB in badan bay nimanku hayeen oo aanan tallo ku darsan oo aan lahaa inamada loolamaya ha dhex gelin maanta waan soo diyaar garoobay carabtu waxay tidhaahdaa wax waliba waxay ku noqdaan asalkiisii” ayey tidhi waxaanay intaas ku dartay ‘ Waxaan leeyahay talladii xisbiga ha la igu soo wareejiyo cidii la isku waafaqana anagaa ku soo celin doona tallada gacantooda.” Ayey tidhi
 
Marwo Kaltuun xaaskii marxuum Cigaal ayaa dardaar  usoo jeedisay masuuliyiinta xisbiga, waxaanay tidhi “ UDUB waa xisbi gurigayga ku soo dhashay oo aan gacmahayga ku soo koriyay kuna soo gardaadiyay oo aan goobtii la iskugu imanayay ku keenay. Xisbigii UDUB markii uu tallada hayayna waa lala ambaday oo xisbigii waa lala lumay. Maanta waxaan leeyahay rag badan baa UDUB ka tartamaya oo xisbigii mar labaad burburin kara, anigu hooyadii xisbiga ayaan ahay oo xisbigii lexjecelo ayaan ka qabaa. Cidaan muranay iyo xisbiga UDUB kala gooni ayay noqdeen horta waxaan idin leeyhay ha tafaraaruqina oo tallada iskaga tanaasula oo ha is barbar yaacina ee madax iyo mijo kala yeesha,”
 
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland