Soomaali qoxooti ku ah Magaalada Tel Aviv ee xarunta dalka Israa'iil oo sheegay inay dhibaatooyin haystaan

Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Tel Aviv ee xarunta dalka Israa'iil ayaa sheegay inay xaalad adag ku haysato magaaladaas, iyagoo sheegay inay yihiin tiro ahaan 19-qof oo nolol ciriiri ah ku nool.

Mid ka mid ah dhallinyarada oo magaciisa kusoo koobay Cabdulqaadir oo la hadlay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu halkaas tagay bishii lixaad ee sannadkii 2007, isagoo sheegay inuu ka cararay Muqdisho oo lagu dilay aabbihii iyo walaalkiis.

"Dalka Israa'iil waxaan ka galay Masar, kaddib markii aniga iyo laba dhallinyaro ah oo kale jirdil xooggan naloo geystay," ayuu yiri C/qaadir oo sheegay in isaga iyo lix qof oo kale oo Soomaali ah ay daggan yihiin qol aad ciriiri u ah.

Sidoo kale, C/qaadir wuxuu sheegay in dad badan ay ku joogaan dalka Israa'iil inay Soomaali yihiin, kuwaasoo kasoo jeeda dalalka geeska Afrika sida Kenya oo kale, balse aysan helin xuquuqaadkii ay u baahnaayeen.

"Halkan (Israa'iil) markii ay Soomaalidu yimaadaan waxay xabsi ku jiraan muddo illaa hal sano ah, markaas kaddib ayaa la siiyaa sharci yar, kaasoo ay ku qoran tahay ma shaqeyn karaan," ayuu yiri C/qaadir oo sheegay inaysan ku jirin qoysas.

Mar uu ka hadlayay qaabka ay u ku nool yihiin ayaa wuxuu sheegay in wixii uu soo helo qofkii iyaga ka mid ah lawada cuno, isagoo xusay in dadka kale ee ajnabiga ah sida Eriteriyaanka iyo Suudaanta ay muddo laba bilood gudahood ah ku helaan sharciyo ay ku shaqeysan karaan.

Su'aal ahayd waxa u qorsheysan maadaama ay nolol adag ku haysato Israa'iil ayaa wuxuu sheegay inaysan ku laaban karin Soomaaliya oo ay weli colaadi ka jirto, sidoo kalena aysan aadi karin dalka Masar oo ay ka baqayaan inay dhibaatooyin kale kala kulmaan.

"Hay'adda qoxootiga ee Qarammada Midoobay UNCHR ayaa Israa'iil joogta, markii aan u tagnay waxay noo sheegeen inaysan waxba noo qaban karin oo ay dowladda Israa'iil kala wareegtay mas'uuliyaddooda," ayuu yiri C/qaadir.

Dalka Israa'iil ayaan xiriir la lahayn dowladihii soo maray Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhawaan uu qoray wargeys kasoo baxa dalkaas in afar qof oo Soomaali ah loo diiday sharci, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen 200,000 oo qof oo kusoo gudbistay codsi inay Soomaali magangalyo doon ah yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya