XILDHIBAAN YUUSUF XASAN: "Soomaalida Islii ku nool waa inay isdajiyaan cid gooni u beegsanaysana ma jirto"

Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto degmada Kaamakunji ee magaalada Nairobi oo ay ku taallo xaafadda Islii ee Soomaalidu ay dagto ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay is-dajiyaan, isagoo sheegay inaysan jirin si gaar ah oo loo eeganayo iyaga.

Mudane Yuusuf Xasan ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga iyo wasiirka ammaanka, George Saitoti ay ka haystaan ballanqaadyo ah inaan si gaar ah loo beegsan doonin Soomaalida.

"Waxaan ku wergelinayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya oo dhan, gaar ahaan Nairobi inaysan wax dareen ah isgelin, aysanna jirin cid si gaar ah u ugaarsanaysa," ayuu yiri Yuusuf Xasan oo sheegay in ballanqaad ay ka haystaan dowladda.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in qofkii sharci haysta uu si caadi ah howlihiisa u wato, isagoo sheegay in qofkii la qabto isagoo aan sharci lahayn la geyn doono maxkamad, haddii uusan dambi lahaynna la sii-dayn doono.

"Hal sarkaal ayaa carrabka ku dhuftay in Soomaalida la beegsanayo, dacwad ayaana ka geynay," ayuu yiri mudane Yuusuf Xasan. "Innagu marti kama nihin dalka waan u dhalanay sida Kenyanka kale."

Xildhibaanka oo la weydiiyay sababta baaritaannada loola beegsado markii ay wax dhacaan xaafadda Islii oo ay Soomaalidu daggan tahay ayaa sheegay in la baaro Nairobi oo dhan, isagoo tusaale u soo qaatay ninkii lagu xukumay xabsi daa'inka oo laga soo qabtay xaafad kale oo Nairobi ka tirsan.

Hadalka mudanahan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dad badan oo Soomaali ah lagu xirxiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo ay ka dhaceen falal ammaan-xumo ah oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya