Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay 53-dhallinyaro ah oo ay sheegtay inay kasoo goosteen Xarakada Al-shabaab, waxaana qaar ka mid ah dhallinyarada lasoo bandhigay ay la hadleen saxaafadda.
Afhayeenka hay'adda nabadsugidda Col. Ibraahim Cumar Aadan ayaa sheegay in dhallinyaradan ay muddooyinkan kasoo goosanayeen Al-shabaab, ayna maanta oo keliya kasoo goosteen 12-qof, isagoo sheegay in da'oodu ay u dhexeyso sideed sano illaa 20-sano.
"Sida aad arkaysaa dhallinyarada meesha fadhida waxay kasoo goosteen Xarakada Al-shabaab, maanta oo keliyana waxaa soo gashay 12 ka mid ah," ayuu yiri Col. Ibtraahim oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dhankooda kusoo biiraan.
Dhallinyarada qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay go'aansadeen inay dhinaca dowladda kusoo biiraan, kaddib markii ay u adkeysan waayeen waxyaabo ay ka mid yihiin mushaar la'aan.
"Illaa 2006 ayaan howlahan ku jiray, waxaana ka mid ahaa Al-shabaab, dhowr meelood ayaan ka howlgalay, waxaana mar ahaa ciidamada nabadgalyada ee Bakaaraha," ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada oo saxaafadda la hadlay.
"Sababaha ugu waaweyn ee aan u soo goostay waxaa ka mid ahaa mushaar la'aan iyo madaxdeenna oo midkiiba uu afar xaas leeyahay iyo innaga oo aan xitaa hal xaas lahayn," ayuu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, Saleebaan Cabdi Ibraahim oo isaguna ka mid ahaa dhalliyarada lasoo bandhigay ayaa sheegay inuu kasoo goostay degmada Dayniile oo uu kaga qayb-galay dagaalkii ugu dambeeyay, iyadoo mid kalena uu sheegay inuu ka yimid Gaalkacyo.
Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin in dhallinyarad lasoo bandhigay ee la sheegay inay kasoo goosteen iyo in kale, iyadoo dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ay dagaalo u dhexeeyeen sadexdii sano ee ugu dambeysay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya