Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia oo soo dhaweeyay ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo ciidamada Kenya ee dalka ku jira, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan cid walba oo gacan ku siinaysa dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan.

Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dalka isagoo sheegay inaysan ogoleyn in dalka ay ka dhacdo nabad.

"Cid walba oo gacan nagu siinaysa dagaalka aan kula jirno Al-shabaab waan soo dhaweynaynaa, waxaana ugu baaqaynaa dunida oo dhan inay gacan ka geystaan sidii nimankaas cadowga ah lagu tirtiri lahaa," ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dagaal kula jiraan Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay inaysan dadka shacabka ah wax yeello u geysan.

"Madaxda dowladda waa inay soo dhaweeyaan cid walba oo doonaysa inay qayb ka noqoto dagaalka Al-shabaab," ayuu si ay caro ku jirto u yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo mowqifyada ay kala taagan yihiin madaxda dowladda ee ku saabsan soo gelitaanka ciidamada Kenya.

Dowladda Kenya ayaa laba todobaad ka hor ciidamadeeda soo gelisay Soomaaliya iyadoo sheegtay inay dagaal la galayaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen afduubyo iyo dilal ka dhacay dalkooda.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa muddo dhowr sano ah ahaa afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo muran siyaasadeed sannadkii hore soo dhex-galay madaxda KMG ah ee Soomaaliya uu sabab u noqoday inuu xilka iska casilo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya