Dowladda Jabuuti oo walaal ka muujinaysa iska-horimaadyo dhagax-tuur ah oo dhexmara dhalliyarada dalkaas

Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujinaysa iskahorimaadyo dhagax-tuur ah oo bartamah magaalada Jabuuti ku dhexmara dhallinyaro u safan xaafad-xaafad, waxaana guddiga sare ee ammaanka dalkaas uu kasoo saaray go'aan dhallinyaradaas.

Shir ka dhacay xarunta madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in xukuumaddu aysan u dulqaadanayn dhalinyarada dhagax-tuurka ku sameynaya gudaha xarunta dalkaas ee Jabuuti, waxayna wasiirro kulankaas kaddib saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay xabsi dhigi doonaan ruuxii la qabto isagoo dhagax-tuurka qayb ka ah.

"Ammaankii dalka ayaa halis ku jira... dhagax-tuurka magaalada ka socda waxaa wada dhalliyaro daroogo ka dhargay oo waalidkoodna ay ceshan waayeen," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane oo la hadlayay VOA-da, isagoo intaa ku daray in ruuxii ay ku qabtaan dhagax-tuur la dhigi doono xabsi.

"Qofkii lagu qabto dhagax-tuur dib dambe looma arkayo, mana yeelayno iskuul buu dhigtaa iyo sidan buu ahaa," ayuu yiri wasiirka oo sheegay in tallaabo adag ay ka qaadanayaan wixii maanta ka dambeeya dhallinyarada dhagax-tuurka sameynaya.

Magaalada Jabuuti ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka socday iska-horimaadyo ku saleysan dhagax-tuur oo u dhexeeya dhallinyarada, kuwaasoo u safan xaafad-xaafad, waxaana tani ay qalqal gelisay ammaanka magaalada.

"Dhagax-tuurka ka socda magaalada uma dul-qaadanayno, qofkii lagu qabto waxaa loo gudbinayaa jeelasha ku yaalla Obokh iyo meelo kale, shaqo qaran ayaana lagu qaban doonaa," ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo jeelasha dalka Jabuuti Cali Faarax Casoowe oo isaguna saxaafadda la hadlay.

Cali Casoowe wuxuu sheegay in cayaar-ciyaari dhammaatay oo ruuxii ay qabtaan la marsiin doono xukun adag oo xabsi ah, isagoo sheegay inaysan ogolaan doonin in si hoose lagu sii-daayo.

Wasiirku wuxuu sheegay in rabashadaha ka dhacay Jabuuti ay sababeen in la boobo ganacsi, sidoo kalena dad rayid ah ay ku indho-beelaan, wuxuuna si caro leh u yiri: "Dadku maxay galabsadeen, haddii waalidku howshiisii qabsan waayo innaga ayaa u qabanayna."

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya