Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Maamulka Islaamiga Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta ka hadlay duqeyntii shalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, taasoo ay ku waxyeeloobeen dad fara badan.
Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Al-shabaab Sheekh Abuukar Cali Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay iyadu ka dambeyso duqeymihii ay shalay dadka badani ku waxyeeloobeen ee ka dhacay magaalada Jilib.
"Waan ka aar-gudan doonnaa dhibaatada ay dowladda Kenya u geysatay shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed, iyagaana baroorta ku dambeyn doonaa," ayuu yiri guddoomiyaha gobollada Jubooyinka.
Sheekh Abuukar ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka inay aragti mideysan ka yeesheen dagaalka ay Kenya kusoo qaadday gobollada Jubooyinka isla markaana ay hubkooda qaataan si loola dagaallamo.
Diyaarado nooca miiga loo yaqaan ayaa shalay duqeymo ba’an ka geystay degmada Jilib, iyadoona la xaqiijiyay in duqeymihii shalay ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 11-qof, halka ay ku dhawacmeen dad kor u dhaafaya 50-qof oo kale oo badankooda uu gantaal ku haleelay xero ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla degmada Jilib.
Dowladda Kenya oo muddo seddex toddobaad ku dhow ay ciidamadeedu gudaha ugu jiraan dalka Soomaaliya ayaa ku gooddisay in xoogagga Al-shabaab ay ka sifeyn doonto gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, iyadoona afhayeenka ciidamada millitariga Kenya Major Emmanuel Chirchir uu sheegay in ciidamadoodu ay kaabiga ku hayaan degmad Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay qabsadeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, iyo Deegaanka Buurgaabo ee gobolka J/hoose, waxaana uu xusay in millitarigooda uu horumar ka sameeyay dagalladii ugu danbeeyay ee ay la galeen xoogaga Alshabaab.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya, dadka qaar ayaa u arka in ay tahay arin loo baahanyahay in ay Kenya gudaha Soomaaliya kula dagaallanto xarakada Alshabaab, halka qaar kalena ay u arkaan in ay tahay arin xadgudub ku ah madaxbanaanida dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya