Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dadka ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha Kenya u geysteen xero ay ku jireen dad barakayaal ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada hoose.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in 11-qof ay dhinteen, kuwaasoo intooda badan u dhintay dhaawacyo halis ah oo duqeynta kasoo gaaray, iyadoo la sheegay in shan ka mid ah dadkii dhaawacyadoodu ay halista ahaayeen isla xalay loosoo qaaday magaalada Muqdisho.
Dhaqaatiirta isbitaalka Mareereey gobolka Jubbada hoose oo 16-km u jira degmada Jilib ayaa sheegay in isbitaalka gudihiisa ay ku dhinteen dad badan oo dhaawacyo qaba, iyagoo sheegay in dhaawacyada lasoo gaarsiiyay ay gaarayaan 50-qof.
Xaaladda degmada Jilib ayaa saakay daggan, iyadoo maamulka degmadaas ee Al-shabaab ay dadka ku boorriyeen inay is-dajiyaan, waxayna sheegeen in Kenya ka aarsan doonaan duqeynta ay dadka shacabka ah ku dishay.
"Gantaallada ay diyaaraduhu rideen waxay ku dhaceen goobo uu shacab badan uu ku sugnaa, waxaana ka mid ah xerada barakacayaasha ee Khaybar oo ay xilligaas ka socotay howl mucaawino qaybin ah," ayuu yiri Sheekh Abuukar Cali Aadan oo ah guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Xarakada Al-shabaab.
Sheekh Abuukar wuxuu sheegay inaysan jirin saldhig ay leeyihiin oo la duqeeyay, isagoo intaas ku daray in haddii Xarakada Al-shabaab ay u baahan yihiin inay kula sugan yihiin jiidaha hore ee dagaallada.
"Dhibaatada ku dhacday Shacabka Soomaaliyeed iyo hooyooyinka ooyay waa godob u taalla shacabka Kenya, waxaana naga go'an inaan ka aargudanno," ayuu yiri guddoomiyaha Jubbooyinka ee Al-shabaab.
Isbitaalka Mareereey oo ay maamusho haya'dda MSF Spain ayaa waxaa yaalla dhaawacyo fara badan oo duqeyntu ay sababtay kuwaasoo u badan hooyooyin iyo caruur, waxaana ku jira wiil saddex sano jir ah oo dhaawac culus uu gaaray.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab oo ku yaalla degmada Jilib, waxayna xuseen in duqeynta ay ku dileen 10-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya