Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa cilmi-baare u shaqeynayay hay'adda PDRC iyo ruux kale oo taksiile ahaa.
Dilalka labadan qof ayaa waxaa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo aan la garanayn, iyadoo cilmi-baaraha oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Yaasiin Xaaji Jaamac ay ku toogteen meel ku dhow xafiiskiisa laba wiil oo bastoolado ku hubeysan, halka lagu dilay taksiilaha gudaha magaalada.
Taksiilaha la dilay oo lagu magacaabi jiray C/nuur Guuldeed Xirsi ayaa waxaa la sheegay in kooxo dhallinyaro ah ay ka kaxeysteen boosteejada tagaasida ee Gaalkacyo ayna rag hubeysan oo sugayay toogteen.
Falalanka lagu dilay labada qof ayaa waxay ka dhaceen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliso Puntland, iyadoo maamulku uusan weli ka hadlin dilalka, sidoo kalena aysan ciidamada ammaanku gacanta ku hayn raggii dilalkaas ka dambeeyay.
Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa tan iyo billowgii sannadkan waxaa ka jiray falal ammaan-darro oo lagu dilay dad badan oo isugu jiray waxgarad, mas'uuliyiin, shacab iyo weliba ciidamo, waxaana sidoo kale bartamihii sannadkan ka dhacay xaafadda Garsoor dagaal u dhexeeyay beel ka mid ah beelaha daga gobolka Mudug iyo ciidamada Puntland, dagaalkaas oo sababay khasaare fara badan.
Cilmi-baaraha u shaqeynayay hay'adda PDRC ayaa waxaa la sheegay inuu dhawaan ka yimid dalka Bakistaan oo uu kusoo bartay cilmiga bulshada, iyadoo lagu wado in maanta labada marxuumba lagu aaso magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya