Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay guri kula dumay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir xalay saqdii dhexe, waxaana ku dhaawacmay burburka gurigaas mid ka mid ah caruurtii ay dhashay hooyadaas.
Guriga dumay ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaboobay taasna ay sabab u tahay inuu dumo, waxaana markii uu gurigu dumay u soo gudmaday qoyska dadkii deegaanka kuwaasoo ku guuleystay inay cunug yar badbaadiyaan.
"Xalay saqdii dhexe ayuu dumay guriga oo ku yaalla meel ku dhow isgoyska degmada Xamarjajab, waxaana dhintay hooyadii qoyska iyo laba caruur ah oo ay dhashay, cunug yarna waa la badbaadiyay," ayuu yiri mid ka mdi ah dhallinyarada deegaanka oo saxaafadda la hadlay.
Goobjoogahan ayaa sheegay in maydadka hooyada iyo labadii cunug ee kale ay kasoo saareen burburka guriga, laguna wado in maanta oo Isniin ah la aaso, iyadoo tani ay walaac xooggan gelisay dadka ku nool guryaha gaboobay ee degmadaas ku yaalla.
Degmada Xamarjajab ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee gobolka Banaadir, waxayna sidoo kale ma mid tahay degmooyinkii lagu barakacay intii ay socdeen dagaallada u dhexeeya Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG ah.
Bilo ka hor ayay ahayd markii dhismihii hay'adda UNICEF ee degmada Waaberi uu ku dumay dad barakacayaal ah, taasoo keentay inay dhintaan saddex ka mid ah dadkii ku sugnaa halkaas tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, guri ku yaalla degmada Xamarweyne oo isaguna dumay sannadkii hore dhammaadkiisa ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca qoyskii daganaa, iyadoo aysan dowladdu wax hadal ah kasoo saarin dhacdooyinkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya