Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Hay’adda SOM Development Trus oo maalmihii ugu danbeeyayba ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan mashaariic ku saleysan wax ka qabashada baahiyaha dhinaca waxbarashada, caafimaadka, iyo waliba gargaarsiinta dadka dhibaateysan, ayaa ka hergaliysay deegaannka Jiracle galbeedka degmada Matabaa ee goballka Hiiraan dugsi hoose dhexe oo wax ku baran doonaan dhalaanka deegaannka.
Max’ed C/dulle Axmed oo ka tirsan mas’uuliyiinta hay’adda SOM Development Trust oo la hadllay HOL ayaa sheegay in dugsigan noqonayo kii ugu horeeyay oo laga hergalyo deegaannka Jiracle, waxaana uu intaa ku darray in si bilaash ah ama lacag la’aan ah wax loogu bari doono ardeyda.
"Dugsiga waxaa hergalisay hay’adda oo sidoo kalana bixin doonta mishaarka macalimiinta wax ka dhigaya dugsiga, waaldiintana waan la socodsiinay in aan wax lacag ah looga baahneyn, marka laga reebo in ay iska bixiyaan buuga iyo qalinka uu ilmaha yar wax ku baranayo ayuu yiri,’’ Max’ed C/dulle Axmed.
Dhismaha dugsigan cusub ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay dadka deegaannka oo sheegay in ay baahi weyn u qabaan in ay helaan goob waxbarasho oo sare u qaada aqoonta dhalinta deegaannka, waxaana ay uga mahad celiyeen hay’adda SOM Development Trust fursada ay siiyeen.
Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan hadda waxaa ka jira dugsiyo waxbarasho oo si lacag la’aan ah caruurta wax loogu baro, kuwaasoo dhaqaalaha ku baxaya ay bixiyaan jaaliyadaha dibada, laakiin dugsigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay hergaliso hay’ad maxali ah oo dhinaca kalana kafaala qaadeysa bixinta mishaarka macalimiinta wax ka dhigaya.
Hay’addan hergalisay dugsiga deegaannka Jiracle ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ka waday qeybo badan oo ka mid ah gobolka howlo lagu gargaarayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen, iyadoo sidoo kalana gacan weyn ka geysta caafimaadka bulshada, waxaana ay mas’uuliyiintoodu sheegeen in talaabadani noqon doonin tii ugu danbeysay, islaamarkaana ay jiraan qorshayaal ay doonayaan ay goobo waxbarasho ku geeyaan deegaannada aan wali helin fursadaha waxbarasho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya