
Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Mashuul dhinaca ganacsiga ah ayaa ka socda suuqa weyn ee bakaaraha, kaasoo ku xirmay dagaallo billowgii sannadkan ku dhexmaray Muqdisho ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.
Inkastoo qaybo ka mid ah suuqa bakaaraha uu burbur ka muuqdo, haddana suuqu aad ayuu u camiran yahay, iyadoo goobaha ganacsigu ay furan yihiin, waxaana ka socda sidoo kale dayactir lagu sameynayo dhismayaashii burburay.
"Ganacsiga wuu wanaagsan yahay," ayuu yiri ganacsade ku sugnaa dukaan ka mid ah kuwa suuqa Bakaaraha oo HOL la hadlay, isagoo sheegay in ganacsiga suuqu uu yahay mid kasoo wanaagsanaanaya sidii hore.
"Bishii Feberaayo sannadkan oo ahayd markii ay xirmeen dhammaan jidadkii laga soo geli jiray suuqa, ganacsatadu waxay bilaabeen inay hantidooda kala baxaan, balse maanta dib ayay ugu soo labaanayaan," ayuu yiri ganacsadaha oo magaciisa ku sheegay Cumar Cali.

Jidadka suuqa ayaa waxaa buuxiyay dadweyne badan, kuwaasoo qaarkood inoo sheegay inay u yimaadeen si ay uga adeegtaan suuqa maadaama ay kusoo fool leedahay cidda weyn ee Adxa oo ay muslimiinta dunidu dabaal-dagyo sameeyaan.
"Qof walba wuxuu doonayaa inuu iibsado, dhar, kabo, macmacaan iyo wixii kale ee uu ugu talogalay inuu ku ciido," sidaas waxaa HOL u sheegay Raxmo Cali oo 20-jir ah una adeegaysay laba caruur ah oo ay dhashay, waxayna intaas ku dartay iyadoo ilko-caddeynaysa: "Bakaaraha muddo dheer ayaa iigu dambeysay aad ayaan u faraxsanahay."
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa hadda gacanta ku haysa dowladda KMG ah, isagoo ka mid ahaa goobihii ay Xarakada Al-shabaab isaga baxday horraantii bishii Ogoosto ee sannadkan, iyagoo xilligaas sheegay inay badaleen qorshahooda dagaal ee Muqdisho.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya