Talaado, October 25, 2011(HOL): Warsaxaafadeed ay soo saareen Waxgaradka Beesha Silcis Gorgaate ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid aan sal lahayn war dhawaan ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga, kaasi oo ahaa in Suldaan cusub loo caleemo saaray beeshsa Silcis Gorgaate.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in rag ka tirsan Beesha Silcis Gorgaate ay dhawaan shir ku qabteen Muqdisho, isla markaana ay ku sheegeen in ay ku caleemo saareen Suldaan ay beesha leedahay, waxayna Odayaashu sheegeen in shirkaas uu ahaa mid lagu waxyeelayay sida ay yiraahdeen sumcadda Suldaanka beesha iyo weliba midnimada beesha.
“Suldaan Maxamed Aweys Axmed waa Xildhibaan haatan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay xubnihii kasoo galay Ururkii Dib-u-Xoreynta (ARS) ee muqaawamada, ilaa iyo maalintii uu xubinimadaasi ku soo qaatay magaca beesha Silcis ma jirin cid beenisay ama wax ku soo qortay website-yada Soomaalida, wuxuuna in badan ka hadlay idaacado fara badan oo ay ka mid yihiin Radio Muqdisho, VOA iyo BBC, isagoo wata magaciisa Suldaannimo, wuxuu in badan ka tirsanaa Golihii Guurtida beelaha Hawiye oo uu xubin uga ahaa asago wata magaca suldaanka beesha, waa nin mutadayin ah, aadna uga dhex muuqday dhamaan dadaalladii lagu doonayey in magaalada Muqdisho iyo guud ahaan degaanada Beelweynta Hawiye lagu nabadeeyo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ay soo saareen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Silcis gorgaate.
Warsaxaafadeedka ay soo saareen Odayaasha Beesha Silcis oo aad u dheeraa ayaa wuxuu intaas ku daray in beesha ay leedahay Saldanad ixtiraam iyo qadarin mudan, taasi oo sida ay yiraahdeen aanan geli karsin is-qabqabsi iyo shaki.
“Haddaba si shakiga ay abuureen kooxahan isa soo bahaystay meesha loogaga saaro ayaa waxa dhawaan magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu ayidayey Suldaanimadiisa, beeshuna ay ku caleema saaratey Ugaas cusub, kaddib markii beeshu isla garatay in ugaaskii hore ee xilkaas muddada dheer soo haayey laga nasiyo howsha, sababo la xiriira da'diisa oo weynaatay awgood, waxaana munaasabaddaasi kasoo qaybgalay dhammaan hoggaanada dhaqanka beelaha Hawiye ee ay beesha Silcis ka dhalatay iyo qaar kale oo fara badan oo ka kale socday beelaha kale ee Soomaaliyeed, sidoo kale waxa munaasabadda ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya, Barlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir, Maxkamadda Sare iyo shaqsiyaad kale oo ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo qaarkood ka hadlay taariikhda beesha iyo suldaankeedaba” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen waxgaradka iyo odayaasha Beesha Silcis Gorgaate.
Ugu dambeyntii, Odayaasha dhaqanka waxay warsaxaafadeedkooda ku soo gebagebeeyeen shaqsiyaadka u dhashay beesha ee qurba-joogga ah oo damaca waalan lasoo baxa mar waliba uu soo dhowaado isbedel ku saabsan siyaasadda Soomaaliya, inay ka waantoobaan wax yaabaha sumcadda iyo sharafka beesha Silcis Gorgaate wax u dhimmaaya oo ay ku qorayaan website-yada Soomaalida