Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay ciidamada Kenya u kaashanayaan la dagaalanka Al-shabaab

VIDEO: Somalian PM speaks to the Star - DAAWO WAREYSIGA RA'IISUL WASAARAHA

Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo wareysi siiyay wargeyska The Star ee xaruntiisu tahay dalka Kanada ayaa sheegay inay ciidamada Kenya u kaashanayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab.

"Innaga iyo Kenya waxaan si wadajir ah uga shaqeynaynaa arrimo dan noo wada ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga wararka iyo qorshe wadajira ah oo aan kaga hortagayno khatarta muuqata ee Al-shabaab," ayuu yiri Dr C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalka Kenya, isagoo intaas ku daray: "Fikir ahaan, waxaan u adeegsanaynaa xitaa sheydaan si aan ula dagaalanno Al-shabaab. Waana mowqifka aan qabo."

Hadlaka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muujinaya in ciidammo Kenya ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo uusan si cad carrabka ugu dhufan. Wuxuuna hadalkiisa kusoo beegay xilli madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu sheegay inaysan xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan raalli ka ahayn in ciidamada Kenya ay iska soo galaan gudaha dalka.

Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaan isku mowqif ka ahayn ciidamada Kenya ee u soo tallaabay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda Kenya ay sheegeen inaysan ciidamadooda kala baxayn Soomaaliya illaa ay ammaankooda ka sugayaan.

Laba batalyan oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka dalkaas ayaa ku sugan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya