Dibadbax looga soo horjeedo hadalkii Sheekh Shariif oo ka socda Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose

Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo hadalkii madaxweeynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku sheegay in aysan dowladiisu raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha dalka Ssomaaliya, ayaa waxa uu ka socdaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Dibadbaxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa kasoo qeybgalay, Haween, Carruur, Odoyaal dhaqameed iyo masuuliyiin ka kala tirsan maamullada dowladda KMG iyo ururka Raaskaambooni.

Dadka ayaa waxa ay wateen boorar ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan sida ay uga xunyihiin hadalkii madaxweeynaha Soomaaliya uu shalay ka sheegay degmada Dayniile, kaa oo ahaa in dowladda Soomaaliya iyo shacabkuba aysan raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Dadweeynihii dibadbaxa sameynayay ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee degmada dhoobley, waxaan ay ugu danbey isugu yimaadeen fagaaraha weyn ee isteeshinka magaalada Dhoobley, halkaa oo ay kula hadleen masuuliyiin katirsan dowladda KMG iyo ururka Raaskaambooni oo uu kamid yahay afhayeenka ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay aya sheegay in aysan marnaba raali ka ahayn hadalka kasoo yeeray madaxweeynaha, iyagoona sheegay in dowladda Kenya ay kaalin weyn ka qaadaneyso wax u qabasha shacabka ku dhaqan Jubooyinka, oo ay masuuliyiintaasi sheegeen in ay dhibaato kala kulmaan xoogaga Alshabaab.

Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay degmada Dayniile ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay Kenya weydiisatay taageero dhinaca tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda ah, balse waxa uu sheegay in aysan raali ka ahayn in Kenya ay Ciidamo usoo dirto gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale shir looga soo horjeedo isla hadalka madaxweeynaha dowladda KMG, ayaa waxa uu haatan ka soconayaa magaalada Gaarisa, kaa oo ay yeelanayaan masuuliyiin katirsan mamulka Azania iyo odoyaasha dhaqanka beelaha kasoo jeedo gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya