Dhaqdhaqaaqyo u dhexeeya DKMG ah, Kenya iyo Al-shabaab oo ka taagan deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo

Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah, kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka laga dareemayaa deegaanka Buusaar oo ka tirsan Ceelwaaq kagana beegan dhinaca waqooyina 35-km.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, kaddib markii ay shalay isaga baxeen xoogagii Xarakada Al-shabaab oo ka talinayay.

Arrintan ayaa waxay keentay inay cabsi weyn dareemaan dadka deegaannada ku dhowdhow daggan, waxaana goobaha qaarkood ka billowday inay dadku barakacaan iyagoo ka baqdin qaba dagaallo dhaca.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay ciidammo u soo dirtay Soomaaliya toddobaad ka hor, kuwaasoo ku sugan qaybo ka tirsan gobollada Jubbada hoose iyo Gedo, waxaana kasoo horjeestay soo gelitaankooda madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif.

Dhanka kale, duqeymo deegaanka Buusaar ku dhexmaray ciidamada isbahaysanaya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa sababay dhimashada laba qof, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada maanta socda ay daba socdaan duqeymihii shalay dhacay.

Kenya ayaa waxay isku dayaysaa inay la wareegto gacan ku haynta deegaannada ku dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo sheegtay in qorshahan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka guud ee dalka Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka taagan deegaanka Buusaar iyo duqeyntii shalay dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo kaashanaya ciidamada dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya