Dowladda Kenya oo si caro leh uga jawaabtay hadalkii Sheekh Shariif uu ku diiday faragelinta ciidan ee Kenya

Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yusuuf Xaaji ayaa si caro leh uga jawaabay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed taasoo uu ku diiday ciidamada Kenya ee soo galay gudaha Soomaaliya.

Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in toddobaadkii hore ay isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya tageen magaalada Muqdisho ayna madaxda DKMG ah kala soo hadleen qaabkii la isaga kaashan lahaa dagaal lala galo Kenya.

"Ma garanayo wax isbedelay, waayo madaxweynaha markaan Muqdisho kulanka ku yeelanay wuxuu u xilsaaray in arrinta uu dhammeeyo ra'iisul wasaaraha," ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo sheegay in hadalka Sheekh Shariif ay aad ula yaabeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa shir jaraa'id oo uu Isniintii shalay ku qabtay Muqdisho ku sheegay in dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed aysan raalli ka ahayn faragelinta ay Kenya ku sameysay Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Kenya uu ka dhexeeyo iskaashi dhinaca ciidamada ah balse aysan aqbali karin inay ciidammo soo geliso gudaha dalka, isagoo xusay in ciidammada AMISOM ay haystaan kalsoonida shacabka iyo ogolaanshaha DKMG ah ee Soomaaliy, sidoo kalena ay fasax shaqo ka haystaan Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika.

"Ma garan karo, madaxweynuhu ma wuxuu diidayaa in nabadda dalka lasoo celiyo, mise isaga ayaa ka mid ah kooxaha lala dagaalamayo?" ayuu is-weydiiyay Yuusuf Xaaji oo sheegay in ciidamadooda ay howlgallo lagu sugayo ammaanka ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa laba batalyan oo ciidamadeeda ka tirsan ayna taageerayaan diyaaradaha dagaalka u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan-darro ah kawaddo gudaha Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya