
Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Shacabka Kenya ayaa su'aalo ka keenay qaraxyo labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacya magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas oo geystay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 29-qof oo kale.
Inkastoo Xarakada Al-shabaab aysan sheegan mas'uuliyadda qaraxyadaas, ayaa haddana booliiska iyo shacabku waxay uga shakisan yihiin weeraradaas inay ka dambeyso Al-shabaab.
"Madaxa maska dhab ahaan wuxuu yaallaa halkan (Eastleigh - Islii), waa maxay sababta aan u aadayno Soomaaliya," sidaa waxa wargeysa Daily Nation u sheegay ruux Soomaali ah oo daggan Nairobi.
"Yaa ii sharrixi kara sababta keentay in Al-shabaab lagula dagaalamo gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo halkan ay joogaan xubno Al-shabaab ka tirsan," ayuu hadalkiisa ku daray.
Su'aalahan ayaa waxay ka dhasheen markii Kenya ay ciidammo u dirtay gudaha dalka Soomaaliya todobaad ka hor, kaddib markii la afduubay muddo toddobaadyo gudahood ah dhowr afar qof oo ajnabi ah, kuwaasoo laba ka mid ah ay ahaayeen dalxiisayaal halka labada kalena ay ahaayeen shaqaale samofal.
Xukuumadda Kenya ayaa Al-shabaab ku eedeysay inay afduubayadaas mas'uul ka tahay, isla markaana ay khatar ku tahay ammaanka guud ee dalka Kenya. Iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in haddii Kenya ay ciidamadeeda kala bixi waydo Soomaaliya ay weerari doonaan.
"Gabi ahaan faragelinta milateri ee Kenya ma tageersani. Dalku ma ahan ammaan, maxaa yeelay Shabaab waxay ku sugan yihiin Kenya," ayuu yiri Denis Kimathi oo dukaan weyn ku haysta magaalada Nairobi.
"Inkastoo ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya, dhibaatadu waxay ka dhacaysaa halkan (Kenya). Waxay illowsan yihiin in Al-shabaab ay gudaha dalka ku sugan yihiin oo aysan joogin Soomaaliya oo keliya," ayuu yiri Desmond Ligale oo kaaliye bas ah ama kirishbooy ah.
Afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kitaithe ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay socdaan baaritaanno ku saabsan sidii lagu xaqiijin lahaa qaraxyadii lala beegsaday goob basaska laga raaco iyo baar lagu caweeyo oo labadana ku yaalla bartamaha Nairobi.
Isniintii shalay ayuu madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu kasoo horjeestay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, isagoo yiri: "Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedu uma ogola faragelin ciidan oo lagu sameeyo dalka iyadoo aan ogolaasho laga haysan."
Wilson Muiruri, oo ah madaxa suuqeynta xarun ganacsi oo Nairobi ku taalla ayaa sheegay in afduubkii loo geystay afarta haween oo mid ay ahayd Faransiis, mid ah Ingiriis iyo labada Isbaanishka aysan keenayn in Kenya ay faragelin ku sameyso dalka Soomaaliya.
"Haddii aan adkeyn lahayn xaaladda ammaan ee gudaha dalka, way wanaagsanaan lahayd inaan billowno mid caalami ah," ayuu yiri Muiruri. "Uma arko mid sax ah in dagaal loo galo afduub keliya. Tani waa arrin madaxfurasho ku saabsan."
Dowladda Kenya ayaa waxaa ka jooga gudaha Soomaaliya laba guuto oo ciidamo ah kuwaasoo ay taageerayaan diyaarado dagaal, iyadoo muran ku saabsan ciidamadan uu soo dhexgalay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya