Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ku dhawaad 75 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay ku dileen dagaallo ay kula galeen deegaanka Soomaalida ee dalkaas.
Xuseen Maxamed Nuur oo ah madaxa warfaafinta ee Jabhadda oo wareysi siiyay qaar ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho maanta oo Talaado ah ayaa sheegay inay dagaallo xooggan ku dhexmareen ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya.
"Dagaal ka dhacay deegaanka Siraabo waxaan ku dilnay 75 askari oo ciidamada Itoobiya ka tiran, waxaana kaga gubnay afar gaari oo kuwa dagaalka ah, hub fara badanna waan kaga furanay," ayuu yiri Xuseen Nuur.
Afhayeenkan ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaaray dhankooda dagaalka uu ku sheegay inuu ahaa mid aad u xooggan, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay qaab aargudasho ah u dileen dad shacab ah.
"Goobaha miyiga ah ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya innaga ayaa ka talina, waxaana qorsheynaynaa sidii aan ku weerari lahayn magaalooyinka si aan ula wareegno," ayuu Xuseen hadalkiisa ku daray.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhanka dowladda Itoobiya oo ku saabsan dagaalkan ay sheegtay ONLF inay ku dishay askar badan oo ka tirsan ciidamadooda, waxaase ay horay u beeniyeen afhayeennada Itoobiya warar kuwan la mid ah oo horay ay u faafisay jabhadda.
Jabhadda ONLF ayaa tan iyo sannadkii 1984-kii ka dagaalamayay dhulka Soomaalidu dagto ee dalka Itoobiya, waxaana tan iyo xilligaas dhexmarayay ciidamada Itoobiya iyo xoogaggooda dagaallo uu dhiig badan ku daatay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya