Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Kooxo ku labisan dharka ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay xalay dhac ugu geysteen degmada Yaaqshiid qaar ka mid ah dadkii dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo kooxaha dhaca geystay ay baxsadeen.
Qoysaskii dib ugu laabtay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid oo ah halkii uu xalay dhaca ka dhacay ayaa waxay walaac ka muujiyeen falkan, iyadoo maamulka degmadaas iyo dowlaldda KMG ah aysan ka hadlin falkaas.
"Kooxo hubeysan oo ku labisan dharka ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay guriga noosoo galay, waxayna naga qaateen shan taleefoonnada gacanta ah ama mobilo," ayay tiri haweeney ka mid ah qoyska dhaca loo geystay.
Haweeneydan ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay guriga ugu soo galeen, iyagoo markii ay ka tageenna dhaawacyo u geystay saddex ruux oo dhallinyaro ah, kuwaas oo ay dhac u geysanayeen.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo qoysas badan oo muddo sannado ah ku noolaa deegaannada loo barakacay ay billaabeen inay dib ugu laabtaan guryahoodii, kaddib markii ay ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wax laga weydiiyay shalay qorshahooda ku aaddan dadka dib ugu laabanaya Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ay ku sugayso ammaanka, sidoo kalena ay sugayso ammaanka qoysaska dib u soo laabanaya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya