Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyey qodob dhalinyarada Somaliland u suurtagalinaya ka qaybgalka Talada

Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen ku ansixiyay wax ka bedelka xeerka doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland.

Fadhigan ayaa waxa guddoominayay guddoomiyaha golahaasi C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaana madasha soo xaadiray 42 mudane, iyadoo ay ogolaadeen in xeerkani meel maro 34 mudane, shan mudane ayaa diiday, halka ay laba mudane ka aamuseen guddoomiyuhuna aanu codayn.

Xeerkan ayaa wax lagaga bedelay qodob sheegayay da’da uu qofku kusoo geli karo doorashada golaha deegaanka, kaasoo si weyn u dabrayay dhallinyarada hamiga siyaasadeed leh.

Qodobkan wax laga bedelay ayaa hore u ahaa in 35-jir iyo wixii ka weyni isku soo sharaxi karaan goleyaasha deegaanka, balse dadaal badan oo la sameeyey waxaa laga dhigay in 25-jir iyo wixii ka weyni ay isku soo sharaxi karaan golaha deegaanka kaasoo yididiilo geliyey dhallinyarada Somaliland.

Dhallinyarada Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey qodobkan wax laga bedelay ee u suuro-gelinaya inay talada dalka ka qayb-qaadan karaan.

Inkastoo, mudanayaal qodobkaas kasoo horjeeday ay jireen haddana waa lagaga aqlabiyad batay, waxaana halkaas kasoo afjarmay muddo dheer oo ay dhallinyaradu raadinayeen xaquuqdooda inay mar uun ka mid noqdaan siyaasiyiinta talada dalka hoggaanka u haya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland