Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo loo sameeyey madaarka caalamiga ah ee Cigal International Air Port ee magaalada Hargaysa.
Mashaariicdan kala duwan ee loo sameeyey madaarka ayaa waxa ka mid ah camarado amaanka wax weyn ka tari doona isla markaana casri ah lagana socon doono dadka galaya iyo kuwa ka soo baxaya amniga, kuwaas oo ah kuwii ugu dambeeyey ee caalama, waxa kale oo laga hirgaliyey dhismayaal cusub iyo waddooyinka ay diyaaraduhu ka haadaan oo si casri ah loo dhisay.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey xadhig ka jarida horumarkan lagu soo kordhiyey madaarka Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta.
Wasiirka duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay talaabadan ay ku talaabsadeen ka mid tahay horumarkii ay balanqaadeen “ mashaariicda aanu madaarkan ka hirgelinay iyo kuwa laga hirgelin doonaaba waxay salka ku hayaan isbedelkii balaadhnaa ee xukuumadan ay gadhwadeenka ka yihiin madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil, ee xisbiga KULMIYE-na ummada u balanqaaday”
“mashaariic badan baa noo soo socota, mashruucii dawlada Kuwait noogu deeqday oo ahaa in dhabaha dib loo qaabeeyo, kamarado ilaaliyana lagu sameeyo waxaanu qandaraaskiisii daabici doonaa saddexda bisha November, waxaana uu dhamaan doonaa lana bixin doonaa saddexda bisha janoury ee sanadka 2012-ka, mashruucaasi wax wayn buu ka bedeli doonaa qiimaha iyo qaayaha uu madaarkani leeyahay”ayuu yidhi isagoo sharaxaya waxyaalaha ay ka qabteen madaarka.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhoweeyey horumarkan lagu sameeyey madaarka Hargeysa “ dhaqaaleheenuna inooma saamaxayo in wax badan oo horumar ah la geliyo miisaaniyada, hadana runtii waxa uu sameeyay dadaal, isaga oo umadiisii kaashaday haday shirkadaha diyaaradaha tahay iyo haday shirkadaha ganacsiga tahayba, markaa dhaq-dhaqaaqa uu sameeyay waxa uu suurto geliyay mashaariicdaasi, taasina waa sida looga baahan yahay nin kasta oo masuul qaran ah, in nin walba meesha uu joogo uu wax ka qabto”
Isagoo hadalka sii watana waxa uu yidhi “Umada u adeegideeda waxaa ka mid ah in maamulkeena aynu wanaajino, in aynu yarayno musuq-maasuqa, Himilada dawladayada cusubi waxay tahay in aanay noqonin meesha kama tage waxna kuma tare” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.
Wasiirka Wasaaraddda warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa isna amaanay waxqabadkan wanaagsan ee lagu talaabsaday, isagoo sheegay inay madaaradu ka mid yihiin muraayadaha dalka qofka ajanabiga ee imanaya wax ku qiimeeyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland