Hey'adda CRD oo soo bandhigtay cilmi baaris dheer oo ku saabsan dhib iyo dheef wixii ay gaareen Dadka Soomaaliyeed muddo 10 sanadood ah


Talaado, 25, 2011(HOL): Waxaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqadisho Warbixin Cilmibaaris ah laguna sameeyay Horumarka uu Bani'aadamka sameeyay  ee khusaysa Dalka Soomaaliya. (Human Development report on Somalia ) Xogta barnaamijkan oo ay soo qaban qaaban qaabisay Hey'adda Cilmibaarista iyo Wadatashiga ee CRD  iyada oo kaashanaysa  hayadda UNDP  Somalia  iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo xiirirka Caalimga, ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay heererka uu soo maray horumarka  dalka iyo dadka Soomaaliya ee xagga dhaqaalaha, siyaadda iyo ijtimaaciga.

Inskastoo dalalka Caalaamka  ay soo saaraan qoraalka (Human Development Report)  sanadkiiba mar, Soomaaliya waxaa ugu danbeeysay 10 sano ka hor.  Qoraalkaan ayaa  waxaa uu ku soo aadayaa xilli ay Soomaaliya ku jirto kalguur dhinacyo badan taabanaya.  Qoraalka Sanadkan ayaa waxa diiradda lagu saaarya  laguna lifaaqay doorka xoojineed ee Dhalinyarada ka qaadan karaan Nabada iyo horumarka Bulshada,

Warbixinta cilmibaaristan ayaa waxaa lagu soo bandhigay farqiyadii u dhaxeeyay cilmi baaristii la sameeyay 10-sano ka hor, gaar ahaan cilmibaaris la sameeyay sanadkii 2002 . Waxaa looga hadlay  doorka ay Soomaaliya kaga jirto horumarka caalamka.. Sooamlia waxaa ay gashay kalinta 165  marka la fiirsho wadamada la baaray oo gaarayo 170.  Cabirka Somaaliya waa 0.285, taaso oo macnaheedu yahay Soomaaliya waxa ay ku jirtaa 3-wadan ee ugu liidata caalamka.

Warbixinta Daraasadan ayaa sidoo kale lagu sheegay 104-dal oo ka mid ah Aduunka ay Soomaaliya ka gashay dalka ugu faqrisan kaalinta 94aad, waxaana sidoo lagu lagu xusay in waxyaabaha xilligan caqabadaha noqday ay yihiin jahwareerka dhalinyarada ka heysta dagaalada iyo xirfad la'aan dhanka shaqada ah.


Kulanka oo uu furay Wasiirka Wassaradda  Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga  Caalamiga ah, Abdulahi Godah Barre, ayaa ka hadlay  muhiimada uu Cilbaaristan  u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladdda ku meelgaarka. Wasiirku waxaa uu ka hadlay in wasaaradiisu ku da’daali doonto sidii loo taaba-galin lahaa talooyiinka ay shacabka Soomaaliyeed soo jeediyeen, gaar ahaan arimaha la xiiriira dhalinyaradda. Wasiirku waxaa uu sheegay in Dowladdu muhimad gaar ah siin doonto arrimaha dhalinyaradda, waxaana uu carabka ku dhuftay, dhalintii dhawaan loo qaaday dalka Turkey, taasoo muujinayso in dowladu ay lacag iyo waqti galinayso sidii loo jihaynaa jiilka cusub.

Sriram Pande, oo ahaa mas’uul ka socday hay’adda UNDP , ahna dhaqaale yahan – “economist” ayaa si faah faahsan uga hadlay taariikhda dheer ee Cilmibaarista soo martay, iyo sida wax ugu kordhinayso fahamka arimaha Soomaaliya.  Waxaa uu soo bandhigay sawirka  guud oo ka hadlaya caqabaha hor taagan dhalinyadda Soomaaliyeed, iyo sidii wax looga qaban lahaa. Waxaa uu sidoo kale soo bandhigay talooyinka dhalinyaradu soo jeedeen iyo sida ay lama huraan u tahay  in loo dhaga nuglaato.

Jabril Ibrahim Abdulle, Madaxa CRD, oo ah hay;adaa  soo ururisay xogtan ayaa waxaa soo bandhigay  warbixin kooban oo ka hadlaysay, dhalinyadda iyo dhibka soo gaaray iyo sida ay lama huraan u tahay in  dhalinyaradda lagu daro taladda dalka. Jabril waxaa uu yiri,  boqolkiiba 70 dadka Soomaaliyeed waxaa ay da’dooda ka hoysaysaa 30 sano, hadana ma jirto  cid talo ku darsato”.


Jabril waxaa uu soo bandhigay kuna dheeraaday talooyinka dhalinyarada soo jeediyeen iyo qaabkii dhalinyarada loo  caawin lahaa talana ugu darsan lahaayeen arimaha horumarinta dalka.

Daraasada ayaa lagu soo daray in Dhalinyarada ay noqon karaan kuwo xilligan matali kara bulshada, gaar ahaana ay ka qeyb geli karaan, dhinacyada Nabada iyo horumarka, waxaana lagu cadeeyay in sidoo kale qeyb ka noqon karaan Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada.

Daraasada waxaa kaloo lagu ogaaday in dhalinyaradu heysan shaqooyin, caafimaad, waxbarasho iyo xuquuq aas aasi u ah, waxaana lagu cabiray daraasadan in la awood siiyo dhalinyarada xilligan si looga qeyb geliyo dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale daraasadan ayaa waxaa lagu qeexay in qofka dhalinyarada uu la yimaado dadaalkiisa oo uusan sugin wax loo keenay, waxaa daraasadan ay sheegeysaa in 66% ay dhalinyarada haatan yihiin kuwo dalka inay ka tagaan raba, caqabadaha iyo xasaradaha ka jira awgood.

Sahankan  la sameeyay oo lagu ogaanayay horumarka uu sameeyay Bani'aadanka ee Soomaaliya  oo laga qaaday guud ahaan dhulka Soomaalida ku nooshahay  ayaa lagu sheegay fikradaha laga qaaday  dada gaaraya 3500. Daraasadan ayaa warbixinada laga uruuriyo ee lagu lifaaqo Report la filayaa in la soo bandhigo sanadkan dhamaadkiisa, iyadoo lagu darayo tallooyinka maanta la soo gudbiyay.