Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay xukuumadda iyo shacabka dalka Turkiga kaddib dhul-gariir ay 200 qof ku dhinteen oo ku dhuftay Koonfur-bari ee dalkaas Axad toddobaadkan.
"Xukuumadda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka Turkiga, gaar ahaan qoysaskii ay dhibaatadu kasoo gaartay dhul-gariirka, waxaana xaqiijineynaa inaan garab-taagannahay waqtigan murugada badan," ayuu ku yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali warsaxaafadeed ay soo saartay xukuumadda xalay oo Talaado ahayd.
"Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxay la murugoonayaan musiibada dabiiciga ah ee ku dhufatay shacabka Turkiga, wayna garab taagan yihiin iyagoo khayr u rajeynaya," ayuu intaasi ku daray Dr Cabdiweli.
Ra'iisul wasaaraha Soomaalia, ayaa dhambaal tacsi ah oo deg-deg u diray habeenkii Axadda dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan - isagoo dhambaalkaas ku muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada naxdinta leh ee ku dhacday dalkiisa.
"Jamhuuiryadda Turkiga waa saaxiib iyo taageere weyn oo Soomaaliya ay xilligan adag leedahay, kuwaasoo u soo gurmaday dadkii ay ku dhufteen abaarihii ba'aan ee ku dhuftay Soomaaliya muddo ka badan 60 sano ah," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Dr Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in xukuumadda KMG ah Soomaaliya ay la garab-taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Turkga wixii taageero ah ee awooddeeda ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya